Golaha Wakiillada oo Bilaabay La Xisaabtanka Shirkadaha Korontadda Ee Hargeisa

0
Sunday August 09, 2020 - 18:54:51 in News by A. Asbaro
  • Visits: 811
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wakiillada oo Bilaabay La Xisaabtanka Shirkadaha Korontadda Ee Hargeisa

    Golaha Wakiillada oo Bilaabay La Xisaabtanka Shirkadaha Korontadda Ee Hargeisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Wakiillada oo Bilaabay La Xisaabtanka Shirkadaha Korontadda Ee Hargeisa

Hargeisa(HWN):-Guddi-hoosaadka Khayraadka ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Maanta isugu yeedhay Shirkadaha Laydhka siiya Xaafadaha Magaalada Hargeysa, ka dib markii Toddobaadyadii u dambeeyay oo dhan ay Dadweynuhu ka cabanayeen Qiimaha Laydhka ee aad u sareeya.



Guddi hoosaadka Khayraadka ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Masuuliyiinta Shirkadaha waydiiyey su’aalo la xidhiidha waxa ku kelifaya inay Laydhka Qaaliyeyaan, halka Saxaafadduna su’aalo arrimahaa ku saabsan waydiiyeen.

Guddoomiyaha guddi hoosaadka golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye, ayaa ka hadlay dulucda kulankaas, waxaannu sheegay in bulshaddu u baahan tahay Koronto jabban oo ay qaaddi karraan.

"Waxyaabaha ugu muhiimsan ee Shacabku u baahan yahay waa Koronto jabba, waad maqlayseen cuddur-daarka Masuuliyiintaas oo sheegay in Korontadda Mashiinno laga dhaliyo oo aannay haysan qalabkan casriga ah ee maanta Korontadda laga soo saarro, waxay isticmaallaan shidaal, Shaqaale, dawladdu waxay ka qaaddaa Cashuur. Runtii waxyaabahaas oo dhammi garowshiyo ayay u baahan yihiin, waxaannay mustaqbalka innoo balan-qaaddeen Koronto jabban" Ayuu yidhi Xildhibaan Waabeeye.

Maarreeyaha Shirkadda SOMPOWER Cabdillaahi Beershiya oo kulankaas kadib Warbaahinta la hadlay ayaa tafaasiil ka bixiyay waxyaabihii ay kulankaas kaga wada hadleen.

"Waxaannu uga waranay korontaddu waxyaalaha ay qaaliga u tahay ayaanu u sheegnay Guddi hoosaadka golaha Wakiillada, waxaannu uga waranay Caqabaddaha ku xeerran ayaannu uga waranay, deddaalka aannu ugu jirno inaanu Korontadda jabino ayaannu uga waranay, duruufaha jira ee na hortaagan ayaannu uga waranay, arrintiina way nala qaateen oo kuwii ka hadlay ee Warbaahinta u sheegay." Ayuu yidhi Maarreeyaha Shirkadda Korontadda ee SOMPOWER Cabdillaahi Beershiya.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...