Khatar Ku Soo Wajahan Haamaha Shiidaalka Ee Berbera Oo Laga Digay Iyo Sababta Keenaysa

0
Sunday August 09, 2020 - 17:37:53 in News by
  • Visits: 3102
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Khatar Ku Soo Wajahan Haamaha Shiidaalka Ee Berbera Oo Laga Digay Iyo Sababta Keenaysa

    Khatar Ku Soo Wajahan Haamaha Shiidaalka Ee Berbera Oo Laga Digay Iyo Sababta Keenaysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khatar Ku Soo Wajahan Haamaha Shiidaalka Ee Berbera Oo Laga Digay Iyo Sababta Keenaysa


Hargeysa(HWN):-ka dib markii ay xukuumada somaliland iibisay dhulkii loogu tala galay sugitaanka badqabka haamaha shiidaalka ee magaalada Berbera waxa soo baxaya khatar ay wajahayaan haamaha kaydka shiidaalku.

Haamaha Shiidaalka Berbera - Sayruuq News


Guddida dhaqaalaha ee golaha wakiilada somaliland ayaa si weyn uga digay khatarta ay wajahayaan haamaha shiidaalku, iyaga oo cadeeyey in la iibiyey dhulkii loogu talay badqabka haamaha shiidaalka ee Berbera.


Gudoomiyaha guddida dhaqaalaha ee golaha wakiilada Cumar Sanwayne oo ka hadlay fadhi ay yeesheen golaha wakiiladu ayaa sheegay in haamaha shiidaalku ay u baahan yihiin gurmad deg deg ah oo lagu soo celiyo dhulkii loogu tala galay badqabkooda oo uu sheegay in la iibiyey.


Xildhibaan Cumar Sanwayne oo ka hadlaya xaalada haamaha shiidaalka ayaa waxa uu yidhi "Dhulkii ay haamaha shiidaalku lahaayeen waa la dhistay, waxaanay noo sheegeen maamulka haamuhu hadii dab dhaco inaanay jirin meel looga baxayaa oo ay albaab kaliya leeyihiin, dhulkii loogu tala galay in haamaha lagu ilaaliyo ama ay ku kala baxaan waa la iibiyey waana la dhistay.”


Xildhibaan Cumar Sanwayne oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Ninka iibsanaya waxaan filayaa inuu ganacsi ugu tala galay gelina maayo waayo wuu ogyahay khatartama meesha taala, meel yar oo kaliya oo laga galo ayaa haamaha u banaan, wax amni ah iyo wax dhul ah oo ay isku balaadhiyaan haamuhu ma jiraan”


Sidoo kale xildhibaan Cumar Sanwayne ayaa soo bandhigay soo jeedin ay qabaan xildhibaanada guddida dhaqaaluhu "Guddida dhaqaalaha ee golaha wakiiladu waxay soo jeedinaysaa in xal loo raadiyo badqabka haamaha oo meesha laga raro ama dadka dhulka xidhaya gacan sharci la saaro”

 

Loading...
Loading...