Guddida Dhaqaalaha Ee Golaha Wakiilada Oo Ku Baaqay In Guddi Baadhis Ah Loo Saaro Shirkada Sompower

0
Sunday August 09, 2020 - 17:30:08 in News by
  • Visits: 900
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Dhaqaalaha Ee Golaha Wakiilada Oo Ku Baaqay In Guddi Baadhis Ah Loo Saaro Shirkada Sompower

    Guddida Dhaqaalaha Ee Golaha Wakiilada Oo Ku Baaqay In Guddi Baadhis Ah Loo Saaro Shirkada Sompower

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddida Dhaqaalaha Ee Golaha Wakiilada Oo Ku Baaqay In Guddi Baadhis Ah Loo Saaro Shirkada Sompower


Hargeysa(HWN):-Guddida dhaqaalaha ee golaha wakiilada somaliland ayaa ka hadlay cabashada ay shacabka ka qabaan qiimaha qaaliga ah ee shirkada korontada Sompower ay kaga iibiso laydhka.

Xildhibaan Sanwayne Oo Ku Eedeyaay Gudoomiye Baashe Inuu Fidmo Galinaayo Golaha Wakiilada


Gudoomiyaha guddida dhaqaalaha ee golaha wakiilada Cumar Sanwayne oo ka hadlay fadhi ay yeesheen golaha wakiiladu ayaa sheegay inaanu jirin wadan ka laydh qaalisan somaliland isaga oo ku baaqay in guddi xaqiiqo raadin ah loo saaro cabashada shacabka.


Xildhibaan Cumar Sanwayne oo ka hadlaya cabashada shacabku ka qabaan qiimaha korontada ee qaaliga ah ayaa waxa uu yidhi "cabasho badan ayaa ka taagan laydhkii, lixda gobolna way ka dhacaysaa qayladaasi iyada oo ay ugu badan yihiin Hargeya, Burco, Boorama, Berbera, Ceerigaabo Iyo Laascaanood oo hada ugu jaban maadaama oo la isticmaalo solar, markii aanu aragnay qiimaha laydhka ee wadamada aduunka inaanay jirin meel inala qiime ah.”


Xildhibaan Cumar Sanwayne oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Waxaan soo jeedinaynaa in loo saaro guddi, waana inay guddidu soo baadhaa sababta uu xeerkii tamartu u shaqayn waayey oo ay soo eegtaa kharashka ku baxa marka la soo saarayo laydhka iyo inta macaash ah ee ay shirkaduhu qaataan.”

Loading...
Loading...