Itoobiya: "Somaliland Waxay Ka Mid Tahay Soomaaliya, Dal Aqoonsanina Ma Jiro"

0
Sunday August 09, 2020 - 17:19:48 in News by
  • Visits: 3590
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya: "Somaliland Waxay Ka Mid Tahay Soomaaliya, Dal Aqoonsanina Ma Jiro"

    Itoobiya: "Somaliland Waxay Ka Mid Tahay Soomaaliya, Dal Aqoonsanina Ma Jiro"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Itoobiya: "Somaliland Waxay Ka Mid Tahay Soomaaliya, Dal Aqoonsanina Ma Jiro"


Hargeysa(HWN):-Afhayeenka wasaarada arimaha dibada Itoobiya Dina Mufti ayaa ka hadlay xidhiidhka ay somaliland la samaysanayso Itoobiya.

Image may contain: 1 person


Afhayeenka wasaarada arimaha dibada Itoobiya Dina Mufti oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inaanay aqoonsanayn somaliland isla markaana ay dhawrayaan qaranimada somaaliya, isaga oo xusay in somaliland ay u arkaan qayb ka mid ah soomaaliya.


Afhayeen Dina Mufti oo ka hadlaya arimo la xidhiidha somaliland ayaa waxa uu yidhi "Itoobiya waxay taageersan tahay midnimada soomaaliya, Somaliland-na waxay qayb ka tahay somaliland”


Afhayeenka wasaarada arimaha dibada Itoobiya sidoo kale waxa uu sheegay inaanay jirin dawlad kaliya oo aqoonsan somaliland, xukuumada Addis-na ay ka shaqaynayso sidii ay soomaaliya u heli lahayd deganaansho "Itoobiya ma ictiraafsana Somaliland balse waxay dhawraysaa qaranimada soomaaliya, mana jirto dawlad aqoonsan somaliland, Itoobiya waxay hada ka shaqaynaysaa sidii ay soomaaliya deganaansho u heli lahayd.”


Sidoo kale afhayeenka wasaarada arimaha dibada Itoobiya Dina Mufti waxa uu sheegay in xidhiidhka ay Masar la samaysanayso Somaliland aanu noqon mid dhibaato ku keena deganaanshaha geeska Afrika

Loading...
Loading...