"Kulmiye Guulihii Udub Ee Doorashooyinka Iyo Dimuqraadiyada Ayuu Ku Faanayaa, Muuse Biixina Waa La Eegi Waxa Uu…"Siyaasi Cali Guray

0
Sunday August 09, 2020 - 16:53:20 in News by
  • Visits: 1975
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    "Kulmiye Guulihii Udub Ee Doorashooyinka Iyo Dimuqraadiyada Ayuu Ku Faanayaa, Muuse Biixina Waa La Eegi Waxa Uu…"Siyaasi Cali Guray

    "Kulmiye Guulihii Udub Ee Doorashooyinka Iyo Dimuqraadiyada Ayuu Ku Faanayaa, Muuse Biixina Waa La Eegi Waxa Uu…"Siyaasi Cali Guray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Kulmiye Guulihii Udub Ee Doorashooyinka Iyo Dimuqraadiyada Ayuu Ku Faanayaa, Muuse Biixina Waa La Eegi Waxa Uu…"Siyaasi Cali Guray


Hargeysa(HWN):-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf(Cali Guray) ayaa soo bandhigay qaar ka mid ah qodobadii uu Muuse Biixi ugu faanay weftigii ka socday dalka Shiinaha ee uu dhawaan qaabilay.

Cali Guray Oo Ka Digay In Sanduuqa Muuse Biixi Ku Dhawaaqay Uu Noqdo Midkii Guddida Abaaraha Oo Kale


Siyaasi Cali Guray ayaa sheegay in Muuse Biixi iyo xisbiga Kulmiye ay wali ku faanayaan guulihii uu dalka gaadhsiiyey xisbigii bahwaynta ahaa ee Udub gaar ahaana dhinaca doorashooyinka iyo dimuqraadiyada.


Siyaasi Cali Guray waxa uu su,aal galiyey in xisbiga Kulmiye iyo xukuumadihiisii kala dambeeyey ay wax ku darsadeen horumarka ay somaliland ka gaadhaysay dimuqraadiyada iyo doorashooyinka isaga oo Muuse Biixi xujo kaga dhigay in la arki doono waxa uu isaguna gashado.


Siyaasi Cali Guray ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxa uu ku yidhi "Isagoo La Hadlayay Waftigii Shiinaha Waxa ka mid ahaa hadalkii Madaxwayna JSl: (in dalkani tusaale u yahay geeska afrika, marka loo eego horumarka dhinaca dimuquraadiyada ee uu ku tallaabsaday sagaal iyo labaatankii sanno ee u danbeeyey isbedelada dhinacyada badan leh ee ka hirgalay, haday tahay dhinaca doorashooyinka, hanaanka axsaabta xisbiyada qaranka iyo nidaamka qori-isu dhiibka ah ee hoggaanka dalka).


Waa guulihii UDUB ee KULMIYE wax uu yeelay mooyee aanay jirin haba yaraato eh wax uu ku daray. Doorasho-diid iyo muddo kordhinta uun haday ka deyn lahaayeen Somaliland malaha carabka ayay cirka la gaadhi lahayd.


Nadaamka Doorashootinka iyo Xisbiyada Badan waa maxay guusha uu tirsan karo 13kii sanadood uu Xisbul Xaakimka ahaa Kulmiye. Waxa jirtay mar hore in Madaxwaynuhu uu ku amaanay Somaliland guul darrada muddo kordhinta oo dabcan ah guusha doorasho-diidka.


Muuse maanta ayuu Madaxwayne yahay Guddomiyaha Kulmiyena isagu yahay, taariihkduna been ma sheegto waanay is-qoraysaaye bal inta uu ku darsado iyo inta uu yeelo hanaanka xisbiyada badan iyo doorashootinka ha loo wada joogo ama wuu u hiilin ama wuu ka hiilin eh

 

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf "Caligurey”

Loading...
Loading...