Kenya Oo Muqdisho Usoo Dirtay Wafdi Qaadka Xal U Raadinaaya

0
Saturday August 08, 2020 - 20:42:31 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1485
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya Oo Muqdisho Usoo Dirtay Wafdi Qaadka Xal U Raadinaaya

    Ergadan ayaa la kulmi doona madaxda dawladda Faderaalka o

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ergadan ayaa la kulmi doona madaxda dawladda Faderaalka o




Dawladda Kenya ayaa u dirtay Soomaaliya, gaar ahaana magaalada Muqdisho ergo siyaasadeed oo kala hadlaya dawladda Faderaalka Soomaaliya, sidii loo fasixi lahaa qaadka Kenya ay geyn jirtay gudaha Soomaaliya, kaas oo ay hakisay dawladda Faderaalka, markii uu bilowday faafida cudurka Covid19-ka, kaas oo dhibaato ba’an dunida gaarsiiyey.

 

Kenya ayaa doonaysa in la fasaxo qaadkan oo ay diyaaradaha wadaa kasoo dagaan Soomaaliya, xili shalay ay Shirkada Diyaaradaha ee Kenya Airways ku dhawaaqday in aysan u safri doonin Jabuuti & Soomaaliya sababo ay ku sheegtay Cudurka COVID19, haddana Kenya ayaa doonaysa in la fasaxo in ay Qaadkeedu yimado Koonfurta Soomaaliya.

 

Ergadan ayaa la kulmi doona madaxda dawladda Faderaalka oo ay arrimahan kala hadli doonaan, waxaana imaanshahooda qeyb ka ah Ganacsato iyo siyaasiin katirsan dawladda Faderaalka oo xooga saaraya in la fasaxo duulimadyada Qaadka.

Golaha wasiiradda ayaa khamiistii ogolaaday in ay maanta oo sabti ah soo bilowdaan diyaaradaha Qaadka ee dalka Kenya ka imaanaya, laakiin xalayto ayaa amar Madaxweyne lagu hakiyey, waxana si cad u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmajo in aysan duulimadyadan imaan-karin Soomaaliya.

 

Saacado kahor waxaa ka horeeyey amarka Farmaajo in ay Kenya cadaysay in ay duulimaadyada ka imaanaya Soomaaliya furneyn sababta oo ay ku sheegtay cudurka Corone-Virus, haddana ay doonayso in ay Qaadka u soo Gudbiso gudaha Soomaaliya.

 

Dad badan ayaa ku dhaliilaya siyaasiinta horboodaya qorshahan oo ay sheegen in ay yihiin kuwa ka leh dano u hiilinaya Kenya, waxaana qaarkood ay ganacsi iyo dhaqaaleba ku haystaan gudaha magaalada Nairobi, halka qaarkoodna ayna leeyihiin shirkada diyaaradaha ee Qaadkan keena gudaha dalka.

 

Kenya ayaa wada Isku dayo badan oo aay Doonayso inay qaad kusoo Galiso Gudaha Soomaaliya, Iyadoona mararka qaar u adeegsanaysa Tilaabooyin Sharciga ka baxsan, Balse arimahaasi oo dhan waxaa Awood Doowladeed ku joojisay Dowlada Soomaaliya.

Tilaabada Ay dowlada Soomaaliya ku hakisay Qaadkii imaan jiray Soomaaliya ayaa saameen dhaqaale ku yeeshay Dowlada Kenya, Bilkasta 80,000 Oo Dollar ayaa kenya kazoo gali Jiray Qaadka aay keeni Jireen magaalada Muqadisho.

Intii uu hakad ka Ku jiray Duulimaadka aduunka keenya ayaa si shaeci darro ah 2mar isugu dayday inay qaadkeento Soomaaliya balse arinkaasi waxaa Hor istaagtay dowlada Soomaaliya o hawada ka Celisay Diyaarado qaad ka keenay Kenya.


Loading...
Loading...