XOG: FARMAAJO oo runta u sheegay Imaanka Mudulood & shaqsiga uu la rabo xilka R/wasaaraha

0
Saturday August 08, 2020 - 20:39:22 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 3625
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XOG: FARMAAJO oo runta u sheegay Imaanka Mudulood & shaqsiga uu la rabo xilka R/wasaaraha

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo wada dadaalo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo wada dadaalo


XOG: FARMAAJO & Imaanka Beesha Mudulood oo kulan lagu kala kacay ...

Madaxtooyada Soomaaliya xalay waxaa kulan lagu kala kacay ku yeeshay madaxweyne Farmaajo iyo Imaanka Beesha Mudulood Imaam Maxamed Yuusuf, waxaana kulanka xooggiisa uu daarnaa damaca loogu jiro xilka R/wasaaraha Soomaaliya.

Imaan Maxamed Yuusuf oo kulanka dalbaday ayaa madaxweyne Farmaajo doonayay inuu kala hadlo xilka R/wasaaraha cusub iyo shaqsi ka soo jeeda Mudulood oo uu la damacsan yahay in xilkaas loo magacaabo,dalabkaas oo madaxweynaha ka horyimid.

 

Kulanka oo ahaa mid Albaabada u xirnaa labada mas’uul ayaa qaatay saacado dhowr ah ,kaas oo ugu dambeyn la isku fahmi waayay, wuxuuna madaxweyne Farmaajo si cad immaanka Beesha Mudulood ugu sheegay in xilkaas uu la rabo mid ka mid ah dadka ugu dhow oo ay wada deganaayeen dalka Mareynkanka, kaas oo hadda Dowladda ay ku biisho mid ka mid ah Hotelada Muqdisho.

 

Ilo lagu kalsoon yahay, ayaa inoo xaqiijiyay in Imaan Maxamed Yuusuf uu watay Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo si weyn damac kaga jiro xilkaas, kaas oo madaxweynr Farmaajo la tusin karin,maadaama Dowladdiisa si weyn u dhaliilsan yahay.

Dhanka kale, Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo dhawaan hadal kooban ka jeediyay shirkii Beesha Mudulood ee lagu soo gabagabeeyay Muqdisho ayaa cadeeyay in haddii xitaa xilkaas loo magacaabo uusan ogolaan doonin mudo kororsi oo Mandate-ka u harsan Xukuumadda uu ku shaqeyn doono, taas oo sii fogeysay damaca uu ka qabay xilkaas.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo wada dadaalo uu ku xulanayo shaqsiga uu u magacaabayo R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya ka dib markii xilka laga tuuray Xasan Cali Kheyre ayaa cadaadis xooggan kala kulmay qaar ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed kuwooda ugu tunka weyn.

Sida wararka suuqa ku jira ay sheegayaan, madaxweynaha ayaa xilkaas la damacsan Hanad C/llaahi Cadow oo looga yeeray dalka dibaddiisa kaas oo hadda Muqdisho u jooga arrimo la xiriira magacaabista xilka R/wasaaraha.

 

Beesha Hawiye ayaa awood qeybsi ahaan u leh in laga soo xulo R/wasaaraha,balse madaxweynaha waxaa dalab adag u gudbiyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ” Qoor Qoor”,kaas oo ku aadan in xilka R/wasaaraha loo magacaabo shaqsi ka soo jeeda Galmudug gaar ahaan Beesha Habargidir, isagoo gacanta u geliyay CV-ga labo xubno oo uu Qoor Qoor wato.

 

Wasiirkii hore ee Ganacsiga Soomaaliya C/llaahi Cali Xasan oo ka soo jeeda Beesha Abgaal ayaa isagana qeyb ka ah xubnaha loo saadaalinayo xilkan,waxaana wareysi looga yeeray madaxtooyada Soomaaliya.

 

Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga siyaasiga loo magacaabayo xilka R/wasaaraha oo siyaasiyiin badan u ordayaan,iyadoo madaxtooyada ku mashquulsan tahay kala xulashooda.

 


Loading...
Loading...