Taliye Koofi oo Isbedel sameeyay qiimaha Passport Somaliga

0
Saturday August 08, 2020 - 20:28:03 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1487
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye Koofi oo Isbedel sameeyay qiimaha Passport Somaliga

    Pasaporka Somaliga ayaa waxaa Xiligaan lagu tagi karaa ku dhawaad 40- Dal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Pasaporka Somaliga ayaa waxaa Xiligaan lagu tagi karaa ku dhawaad 40- Dal




Qiimayn la sameeyay ayaa sheegaya in Pasaporka Somaliga uu ka soo Raynayo tan iyo markii ay dhacday Dowladii dhexe ee Soomaaliya, taasi oo u muuqda in uu dib u soo laabanayo qiimihii uu caalamka ku lahaa.

 

Taliyaha laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Col: Maxamed aadan koofi ayaa u dhabar adeegay in mar kale uu Pasaporka Somaliga ah uu caalamka Qiimo ku yeesho, taasi oo sababtay in uu safar ku baxsho dalal badan oo caalamka ah, uuna ka dhaa dhiciyo in Pasaporka Somaliga ah uu haatan yahay Digital la iskuna halayn karo.

 

Dhinaca kale koofi ayaa waxa uu gaarsiiyay Pasaporka Somaliga, qiimo maadaama uu ka mid ahaa Pasaporada ugu hooseeya caalamka, waxaana haatan uu marayaa in uu afrika ka Noqdo kuwa dhex dhexaad ah.

 

Pasaporka Somaliga ayaa waxaa Xiligaan lagu tagi karaa ku dhawaad 40- Dal oo caalamka ah, taasi oo sabab u ah dadaalkii ay Sameeyeen Laanta Socdaalka oo uu Madax u yahay Taliye Col Maxamed aadan koofi, iyo howshii ay bilaabeen Madaxdii ka horeysay, oo uu ka mid ahaa Jeneraal Gaafow oo horay u ahaa Taliyihii ka Horeeyyay Koofi.

 

.

10-kii Sano ee la soo dhaafay xataa laguma tagi Karin Pasaporka somaliga 20 dal oo ka mid ah caalamka, xataa dalalka afrika qaarkood ayay aad u adkayd in Pasaporka Somaliga aad ku hesho Visaha on-Arrival. Waxa uuna haatan Noqday mid ka duwan Sanadihii hore Pasaporka Somaliga.

 

Sidoo kale dadka soomaaliyeed ayaa aad ugu faraxday Warkaan Hididiilada leh ee Soo baxay oo ku aadan Qiimayn fiican uu yeesho Pasaporka Somaliga ah.

 

Guushaan u soo hoyatay Umada Soomaaliyeed ayaa waxaa Hana qaadkeeda Mas;uul ka ah Taliye Col Maxamed aadan koofi, iyo shaqaalaha Hay’ada oo u dhabar adeegay sanadihii la soo dhaafay, kuwaas oo hela Tapaparo ka wanaagsan iyo tayeyn ka duwan Xiliyadii hore.

 

Tan iyo Markii la Magacaabay Maxamed aadan Koofi in uu Noqdo Taliyaha Laanta Socdaalka, oo Madaxda Dalka u arkayeeen in uu yahay Nin dhalinyaro ah oo wax badan ku soo kordhin kara, horay u socodsiinta xaalada Dalka gaar ahaan laanta Socdaalka ayaa waxaa mesha ka muuqata in uu ka dhabeeyay Koofi Rajadii Madaxda Qaranka iyo tii Umada Soomaaliyeed ay ka sugayeen, waxaana lagu tillaami karaa in Madaxa laanta Socdaalka uu ka Rumeeyay Rajadaas iyo Xilkaas loo dhiibay, uuna ku amaananyahay arintaas asaga iyo shaqsiyaadkii gacan qabtay.

 

Taliye koofi ayaa markii uu xilka la Wareegay Waxa uu si gaar ah dar dar u galiyay in uu Xarumo ka furo xuduudaha Dalka, in uu Gobolada Dalka gaarsiiyo shaqada laanta Socdaalka oo aan Xiligaas an gaarsiisaneen Meesha ay haatan taagan tahay, waxaana Pasaporka Somaliga laga heli jiray oo kaliya Muqdisho, taasi oo Taliye koofi is tusay in ay Tahay in deegaan kasta ay somali leedahay uu Xaq u leeyahay in laga Helo Pasaporka.

 

Howsha Culus ay qabatay laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha soomaaliya ayaa aad ugu amaanan, Taliye Maxamed aadan koofi, hosha Culus iyo dardarka Xoogan oo uu galiyay 4 sano ee la soo dhaafay Howlahaasi.

 

Sidoo kale Guul kasta oo ay gaarto laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo uu hormuudka ka yahay Col Maxamed aadan koofi, waxaa gaaray Umada Soomaaliyeed balse waxaa guushaas hormuud u ah dadaalka xoogan ee Taliye Koofi.

 

Maxamed aadan koofi ayaa mararka Qaar waxa uu kormeeraa sida ay u socoto shaqada, waxaana sawirada aan qaatay ka mid ah shaqaale imtixaan U gala laanta Socdaalka oo uu si kadis ah ku kormeeray Taliye Koofi, taasi oo Muujinaysa cadaalada iyo sinaanta shaqaalaha laanta Socdaalka oo ku soo baxa aqoon balse meeshya laga saaray Nin Tooxsi iyo waa ku aqaanaa, taasi oo u muuqata wadadiin cadaalada iyo Horumarka.


Loading...
Loading...