XOG: Siciid Dani Oo Ku Wareejiyey Imaaraat-ka Garoonka Boosaaso

0
Saturday August 08, 2020 - 20:21:23 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1530
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XOG: Siciid Dani Oo Ku Wareejiyey Imaaraat-ka Garoonka Boosaaso

    Dhanka Amniga garoonka, waxaa la hoos-geyn doonaa howlgalka Imaaraat-ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhanka Amniga garoonka, waxaa la hoos-geyn doonaa howlgalka Imaaraat-ka




Shirkad laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta oo ay bishii September 2019-kii Puntland heshiis kula gashay in ay la wareegto garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay qeybaha maamulka iyo Amniga ee garoonkan.

 

26-kii September sanadkii hore, Madaxweynaha Puntland Siciid Dani oo ka hadlayey munaasabadda saxiixa heshiiskaas ayaa u sheegay warbaahinta in sanad gudihiis lagu ballaarin doono Garoonka Boosaso, lana dhisayo Terminal Casri ah, balse sanad kadib oo aan waxba laga qaban Madaarka ayey shirkadan la wareegtay.

Dhanka Amniga garoonka, waxaa la hoos-geyn doonaa howlgalka Imaaraat-ka ee fadhiga ku leh Magaalada Boosaaso.

 

Lacag badan ayaa ku baxeysa Mashruucani,waxaana saraakiisha la wareegay ay sheegeen in Buubaay dageenka Boosaso laga dhigi doono mid hormarkiisa la dareemo sanadaha soo aadan.

 

Isku taga Imaaraat-ka Carabta ayaa loo arkaa mid ka mid ah Dawladaha aadka galaan galka ugu yeeshay Arimaha Puntland,xilli Dawlada Dhexe Ee Soomaaliya Dagaal diblomaasiyadeed kala dhaxeeyo.


Loading...
Loading...