Roobab Dabeylo Wata Oo Ka Da'ay Gobolo Ka Tirsan Maamulka Puntland Iyo Cabsi Jirto

0
Saturday August 08, 2020 - 11:57:14 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Roobab Dabeylo Wata Oo Ka Da'ay Gobolo Ka Tirsan Maamulka Puntland Iyo Cabsi Jirto

    Dad xoolo dhaqato ah oo ku sugan Gardafuu iyo Karkaar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dad xoolo dhaqato ah oo ku sugan Gardafuu iyo Karkaar




Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Maamulka Puntland ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay siweyn uga da’ayay Roobab xoogan oo dabeylo watay, ayna roobabka ku diirsadeen dadka iyo duunyada.

 

Warar la helayo ayaa sheegaya in roobabka ay si daran uga da’een deegaano kamid ah Gobolada Sanaag, Gardafuu iyo Karkaar ee Puntland, waxaana halkaas laga maqlayay Gugaca roobka uu la socday Hilaac.

Dad xoolo dhaqato ah oo ku sugan Gardafuu iyo Karkaar ayaa waxaa ay sheegeen in Roobka oo watay dabeylo xoogan deegaanada laga dareemay, isla markaana aysan jirin wax khasaaro nafeed ah oo dadka kasoo gaaray, hayeeshee dadka deegaan ay dareemayaan cabsi xoogan.

 

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in deegaanada Xeebaha ee Gardafuu ay ka jiraan duufaano oo qaarkood la tegay qalab kala duwan oo ay lahaayeen kalluumeysato ku sugan halkaas.

 

Si kastaba dhawaan ayay aheyd markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in roobab dabeylo wata ay kusoo wajahan yihiin Gobolo ka tirsan Dalka, isla markaana Duufaano ay ku dhufteen xeebaha Soomaaliya iyo gobalada dalka qaarkood, iyadoo dadka degan dhulka xeebaha looga digay inay ka fogaan halkaas
Loading...
Loading...