Hadmaa La Arkayaa Shantii Soomaaliyeed Oo Calan Ku Sheekaysta?

0
Saturday August 08, 2020 - 10:03:45 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1364
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hadmaa La Arkayaa Shantii Soomaaliyeed Oo Calan Ku Sheekaysta?

    W/Q:Maxamuud Cabdillahi Axmed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q:Maxamuud Cabdillahi Axmed

Shantii Soomaaliyeed/Oo Calan ku sheekaysta/Shilmaa la arkayaawaa/Su'aal sharad ka yaalaa. (Gabyaa, Cabdi Iidaan) - Ilaah ha u naxariisto

 

26kii June 2020, madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi khudbaddii uu ka jeediyey lixdanguuradii maalintii calan Soomaaliyeed la taagay, kuna beegan hanashadii gobonamida gobollada waqooyi/Somaliland, ayuu ku sheegay in haddii la helayo 5tii/shantii Soomaaliyeed oo isu-timaada ay Somaliland ka mid noqonayso, haddii kalena ay halkeeda joogayso. 

 

Ma aha tani dood ku cusub saaxadaha lagu naaqisho gooni-isu-taagga Somaliland, waa se arrin u baahan falanqayn iyo lafagur. Asalka fekerka taariikhiga ah ee Soomaali-weyn, himilada in meel la isugu keeno 5tii gobol ee gumaystaayshii u kala goosteengeyiga Soomaliyeed, siyaabo kala duwan ayaa loo fasiraa. Fasir baa yidhaahda wuxu ahaa feker cusub oo ay dhiseen (constructed idea) hogaamiyeyaashii xornimo-doonka ee sannadihii 1940-1960, si shacabka loogu abuuro dareen waddaniyadeed (Somali nationalism). Fasiraadkale ayaa iyana tiraahda waxay ahayd, keliya, wadiiqo ay isticmaalayeenbudhtuurka Soomaalidu (Somali elite) si ay dawladnimada ugala wareegaan quwadihii reer Yurub; kolay se, sideedaba, feker cidlo kama dhasho.

 

Soomaalidu waa dad xoolo-raacato ah (badankoodu)oo ku noolaa muddo dheer, intii la garanayo, dhul-hoosaadka qalalan ee bariga Geeska Afrika, wadaagana af iyo dhaqan soo-jireen ah. Sida laga filayo dad raacato ah ma yeelan awood-dhexe oo ay ku midoobaan. Waxaase mar keliya noloshoodii dhabqiyey, qarnigii 20aad dabayaaqadiisii, quwadihii reer Yurub ee xeebaha Soomalida soo degay iyo heshiisyadii kala dambeeyey ee ay quwadahaasi la galeen boqortooyadii Xabasho (Abyssinia), ee ka soo degtay buuraha sare ee Ethiopia-da maanta,laguna kala goo-goostay carriga dadka af-Soomaaliga ku hadla, iyadoon midh laga weydiin. Waa kii gabyaa Faarax Nuur lahaa," Amxaaro, Ingiriis iyo Talyani way akeekemiye/ Arligaa la kala boobayaa nin u itaal roone/Waa duni la kala iibsaday oon lala ogeysiine".

 

Waxa falcelin hubaysan ka sameeyey fargelintaas shisheeye Darawiish-tii uu hogaaminayey Sayid Maxamed Cabdalle Xasan. Ogow in dagaaladii ugu horeeyey ee Daraawiishi gasho ay ku aadanaayeen iska caabinta fiditaanka ciidamadii Xabasho ee ku soo siqayey geyiga Soomaalida.

Ka dib markii Ingiriisku jebiyey Daraawiish (1924), waxa Xabasho/Ethiopia ka badbaaday xeebihii Soomaalida(Ilaah Mahaddii), kuwaas oo ku soo haray gacanta quwadihii reer Yurub (Ingiriis, Talyani iyo Faransiis). Dagaalkii 2aad ee Dunida ka dib (1945) waxa dadka Soomaalida saaqay dabayshii xornimo-doonka ee caalamka oodhan-ba ruxday ee loo yaqaanay aayo-ka tashiga ummadaha (right to self-determination). Taas oo tarjumadeedu noqotay in ummadaha caalamku iska tuuraan heeryada gumaystayaashii reer Yurub. 

 

Waxbaa se Soomalida taas u dheeraa, kaas oo ahaa in cayrinta xukuumadaha Yurub ka dib, loo hawlgalo xoraynta gobollada kale ee Soomaalida. Laakiin mar walba diiraddu ugu weyni waxay saarnayd soo-xero-gelinta geyigii Soomaalida ee Ethiopia gacanteeda galay.

 

Dabayaaqadii 1940-naadkii, markii Qaramada Midoobay u ballan-qaaday Koofur (Italian Somaliland) in xorriyad la siin doono 1960ka, dhulalkii kale ee Soomaalidu waxay qaateen shucaar odhanaya: ha iga reebin lixdanka. Nasiib wanaag dhulkii Waqooyi (British Somaliland) ayaa ku guulaystay tartankaas. Waa kii Cali Sugulle (AUN) lahaa: Maalintiiwalaalkay loo dhisayey/Oon dhashay dharaaro hortood/Sow maad soo dhicineey.

 

Haddaba waxa taariikhdaas guud-marka ah laga soo dheegan karaa in fekerka Soomaali-weyn cidlo aanu ka dhalan ee uu ahaa dareen waaqici ah oo ka dhashay gacantii kululayd ee ciidamada Xabasho ee socotay muddada dheer iyo iskaashigii ay quwadahii Yurub ku hantisiiyeen Ethiopia geyiga baaxadda ballaaran ee Soomalida.

 

Dadka reer Waqooyiga ah waxa si aad ah u damaqday markii Ingiriisku, 1954tii, dhul-daaqsimeedkii "Reserve Area" uu toos ugu gacan geliyey Ethiopia. Ogow Ingiriisku weligii xiiso uma qabin maamulka gudaha dhulka Soomaalida, waxaa ku filnaa keliya Xeebaha uu ka ilaaliyo maraakiibtiisa ku socota Hindiya.

 

Kolkaa gar bay noqotay in hogaamiyeyaashii gobonimo doonku, siiba kuwa gobollada waqooyi, inay dareenkaas taariikheed ku waadixiyaan (articulation) himilada 5ta Soomaliyeed, maantana loo yaqaan Soomaali-weyn (Pan-Somalism). Sidaa darted Soomaali-weyn ma ahayn feker -la-dhisay (constructivist idea) ama muraad-qumis ah (instrumentalist), wuxu ahaa feker ka dhashay waaqic taariikheed oo la soo maray.

 

Gobanimadii ka dib, waxa dastuurkii Jamhuuriyaddi Soomaliyeed ee dhalatay 1960kii lagu xardhay in loo hawlgalo xoraynta dhulalka Soomaalida ee maqan, taasoo noqotay mabda' keliya ee hagayey siyaasadda arrimaha dibedda iyo difaaca waddanka, duniduna u bixisay Somali Irredentism (is-ballaarinta Soomaalida); kana yeelay in Soomaaliya ka noqoto ururka Afrika iyo Qaramada Middobay sidii tuke baalcad. 

 

Sannadkii 1977 dawladdii Maxamed Siyaad Barre (MSB) waxay is-tustay daaqad fursadeed oo uga banaanaatay ruxankii ku dhacay dawladda Ethiopia ee Dergiguka talinayey xilligaas. Dabeetana waxa uu MSBdalkii Soomaaliya geliyey, dagaal buuxa (1977-78), isaga oo aan xisaabtan badan samayn, waxna la kala harin. Waxa uu cayriyey, xirriirkana u jaray Itixaadkii Soviet-ka (ex USSR), dalkii ciidanka Soomaaliya dhisay,isagoon helin bediilkiisii. Dhaxalkii looga aayey wuxu noqday burburkii qarankii Soomaaliyeed ee 1991, soddon sanno keliyaka dib dhalashadiisii.Muddo gaaban ayey damceen siyaasiyiintii xilligaasi (1960 - 1990) inay himilada shacab kaga rumeeyaan.

 

Halkii MSB  isku deyi lahaa dhayista niyad-jabkiilaga dhaxlay jabkii dagaalka Ethiopa(1977-78) iyo isku-haynta bulshada, wuxuu u biyeystay cabudhinta, cadaadiska iyo xasuuqa shacabka, isagoo, isla markaana, ku baaqaya shucaarkii Soomali-weyn, taasoo sababtay in shacabkukalasoonida kala noqdaan xukuumaddiisii, shakina geliyaan sharciyaddiisa (legitimacy); siyaasaddii dibeddana go'doon ka noqdo

 

Ka dib burbrurkii qarankii Soomaaliya (1991), waxay shacabku is-tuseen, dib-u-jaleecid (self-reflections)ka dib in himiladii Soomaali-weyn ahayd jibbo aan laga gun gaari karin, sahayatayna qarankii Soomaaliyeed ee raad-baradkaahaa. Shacabkii Soomalida ee Ethiopia hoos imanyeyna waxay la falgaleen dawladda federelka cusub ee Ethiopia, waxayna heleen maamul hoosaad. 

 

Aan ku noqono bilawgii maqaalka e', fekerka Md Muuse Biix iyo inta la qabtaaba ma diidana fekerka Somali-weyn (5tii Soomaaliyeed oo isu-timaada), marka hadalkooda loo raaco, waxay se daba-dhigayaan shuruud ma-dhacdo ku dhow: in mar qudha la wada helo shantii Soomaaliyeed oo maamul la isugu keeno (calan-wadaag).

 

Laakiin caqliga ayaa diidaya in dib loo raaco raad hore loogu gubtay. Isu-keenka 5ta Soomaaliyeed (Somali irredentism) waa dariiqii makalayqarankii Soomaaliyeed, sida maqaalkani kor ku sharxay. Waa is-miidaamin sideeda u taal.  Isma waafaqayso calan-wadaagga 5ta Soomaaliyeed baan raali ka ahay, haddana labadii israacay baan kala goynayaa; waa dabuub maangad ah. Waa labo is-diidan (contradictory) oo aan meel wada geli karin. 

 

Waxa habboon in hadda la iska tiiriyo Somali-weyn (Pan-Somalism), sanduuq lagu xiro; Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed (Somalia) ee dhalatay 1960kii-na si buuxda loo soo nooleeyo, la ilaaliyo xuduudaheeda iyo xeebaheeda, lagana yeelo qaran shaqaynaya oo ay ku soo hirtaan 5ta Soomaaliyeed, nabad-na kula nool deriskooda. Waa arrin laga biyo gaadhi karo, haddii la helo talada iyo dawga saxa ah. Ilaah idankii.

 

Sida hordhaca maqaalkan ku xardhan, gabyaa Cabdi Iidaan ayaa tixdiisii Shiinley si weyn ugaga dayriyey helitaanka 5taSoomaaliyeed oo calan ku sheekaysta.

 

Tixraac

 

https://youtu.be/TmL2cGCFbqU

 

Wa Bilahi Towfiiq

 

Maxamuud Cabdillahi Axmed

[email protected]

 

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...