Cadaaladii Islaamka Iyo Nidaamka Cadaaladda Somaliland

0
Friday August 07, 2020 - 17:38:42 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2256
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cadaaladii Islaamka Iyo Nidaamka Cadaaladda Somaliland

    W/Q: Abubakar Muse Yasin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Abubakar Muse Yasin.

Diinta islaamka Cadaaladda waxa ay kaga jirtaa door muhiim ah. Waa mowduuc aad u weyn oo xidhiidh la yeelanaya dhaqaalaha, bulshada, hogaanka iwm, waxaana lagu xusay Quraanka iyo Axaadiista marar badan, sidoo kale waxaa jira aayado iyo xadiisyo badan oo kusoo arooray in cadaaladdu tahay wax laf-dhabar u ah dhismaha/jiritaanka shaqsiyadeed,mid qoys iyo midka qowmiyadeedba.

 

Cadaaladda waxa ay la xidhiidhaa sinaanta xaqqa iyo runta iyadoo aan la isku kala sarreynin dacwooyin la xidhiidha midab, dhalasho ama mararka qaar diin. Cadaaladdu makala laha sarreyn, nasab, hanti ama sharaf, waana mid ay tahay in loo wada sinnaado, dadka dhanna ay u qabato si isku mid ah.



Cadaalad in la bixiyo waa mid ka mid ah asbaabaha ay u taagnaan karto dowlad islaam ah.

 Mararka qaar waxaa dhacda dunida in cadaalada aanan la helin in badan sidoo kalena in cadaalada aysan helin dadkii mudnaa tusaale ahaan inaan si saxan bulshada xoolaheedi ama xaqeedii loogu maamulin.

 

Nabigeenna Maxamad {NNKH} wuxuu yidhi todobadda qof ee aakhiro hadhkaa ilaahey hadhsanaya, waxaa ku jira qof u cadaalad falay dadkii uu u talinayay. Waxaa markaa lama huraan ah in cadaalad-darrada laga fogaado.

 

Cadaaladdu waxay keentaa oo dhashaa nabadda, midnimada,  iyo horumarka dhinacyadiisa kala duwan xag bulsho, aqooneed, dhaqan-dhaqaale  iyo xag ilbaxnimoba.


Sad-bursiga iyo isbadalka awoodda ee koox amase qabiil isbidaan kuna dulmiyaan kuwo kale ayaa waxa ay caddaalad-darro soo jireena ka aheyd somaliland in badan.


Tusaalena waxaaba kuugu filan dawladdan hada ka jirta somaliland, waa marka aadan meel fogba wax ka doonine.

 

Nolosha qoyska iyo cadaaladda

 

Cadaaladdu waxaa aas aas u ah  oo ay mudantahay inay  marka hore kasoo fusho qoyska dhexdiisa. Hooyada, aabbaha iyo caruurta oo dhan in ay cadaalad ku wada-noolaadaan, qoysku haduu ka koobanyahay dhowr bahood iyana waxaa muhin ah in ay dhextaal cadaaladu u tahay oo ku wada dhaqmaan , Halkaas kolkaas waxay kaga dhacdaa qaybaha kale ee bulshada ee qaraabadu ugu dhowdahay .

 

sidaas ayey dabadeeto muhim u tahay cadaalad falida bulshada dhexdeedu , oo xitaa qofka aad iska soo hor jeeddaan ee muslimka ah ama gaalka ah waxaa loo baahan yahay in caddaalad loo sameeyo iyo inaad naftaada xitaa ka hiilliso haddii aad gaftay, sidaasaana  quraanku ina baray oo ina farayaa.

 

Somaliland cadaalad ma siisay inantii yarayd ee Lagu Faro Xumeeyay Xarunta Agoomaha ee  Hargaysa

 

   

Hargeisa waxa ka dhacday  dhacdo xanuun badan oo ka dhacday caasimadda hargeysa bilihi inaso dhaafay,  waxaanu falku ka dhacay xarunta agoomaha ee  Hargeysa ee ay maamusho dawladda muse bixi.

 

Gabadhaasi oo da’deeda lagu sheegay 13 sanno jir ayaa ka mid ahayd Carruurta lagu hayo Goobtaasi.

Aabbaha dhalay Gabadha la faro-xumeeyay oo Magaciisu yahay Xariir Raage, ayaa ka hadlay Xaaladda Inantiisa iyo tirada Ragga falkaa geystay.


Isagoo cabasho ka muujiyey maadaama oo markii falkani ku dhacay Inantiisa uu indho la’aa lagana qariyey in Gabadhiisu uur yeelatay markii la faro-xumeeyay.

 

Aabbo Xariir Raage oo faahfaahinaya sida uu markii hore Carruurta u geeyay Xarunta Agoomaha Hargeysa, isagoo ay ka muuqato Murugo ayaa sheegay inuu ogaaday gabadhiisa oo 5 bilood uur leh.


Xariir Raagge, waxa kale oo uu cabasho ka muujiyey in Maamulka Xaruntu u diideen inuu Carruurtiisa arko.

Sidaa waxa yidhi  Aabaha Sheegay In Gabadh Uu Dhalay Xarunta Agoomaha Lagu Kufsaday:


Dhinaca kale guddoomiyaha xarunta agoomaha Hargaysa Caasha Maxamuud Qaalib, ayaa ka jawaabtay wararka arrintaasi la xidhiidha iyo eedaha uu aabaha dhalay gabadha la faro-xumeeyay u jeediyay masuuliyiinta xaruntaasi.

 

Waxaanay ku dooday in aanu jirin haba yaraatee wax kufsi ah oo ka dhex dhacay xarunta agoomaha ee ay maamusho, isla markaana xarunta uu ka jiro nidaam wiilasha iyo gabdhaha xarunta ku jiraana ay meello kala gaara seexdaan.


 Caasha Qaalib waxa lagu qasbay dawladu ay ku qasabtay in ay so horfadhiisato warbaahinta si ay Eedahaas iskaga difaacdo.


hadalada kaso yeedhay caasha qaalib waa hadalo aan lagu qancin bal iska daaye ay iska hor imanayaan hadaladeedu, caashi masuuliyadda inantaa yar ee 13 jir ah iyadaa qaaday kana masuul ah, Waxaana ka muuqada in ay dayacday shaqadii lo igmaday  caasha qaalib kuna fashilantay.


Madaxwayne biixi  waa in uu umagacaabo xarunta agoomaha ee hargeysa mas'uul xilkaa kaso bixi karaya kuna dhaqi karaya cadaalad iyo sinnaan ay helaan caruurtaasi.


Xarunta agoomaha ee hargeysa waxay hoos timaada wasaaradda waxbarashada somalind,waxaana oo kale  masuul ka ah wasiirka waxbarashada somalinad axmed maxamed diiriye  toorno oo La odhan karo warka uu ka hayaa xarunta aad buu u liita kolka la eego waxa ka dhacay , iyo gaabis xoogan oo ka muuqda Hanaanka maaraynta shaqadiisa ku aadan Xarunta. waxana jirta sida ay sheegeen ilo xogogaal ahi in uu ka gaabsaday markii uu barlamaanka somaliland uyeedheen, waxna ka waydiyeen arintan inanta yar ee lagu dhex faro-xumeeyay xarunta dhexdeeda,waxaana meesha ka baxday ama madaxweyne Muuse Biixi ka saaray cadaaladii waxana uu ku badalay cadaalad darro.

 

(جمالالدين

(  Jamaalu Al-diini

 

Caadilnimadii jamal al-diini waxay gaartay inuu wiil yar oo uu dhalay  oo wiilashiisa ka mid ah uu la ciyaaray wiil ay isku fac yihiin.


Markaasuu qaraacay mid yar oo uu gacanna ka jabiyay warkaasna ma uusan maqlin  jamaal al diini wuxu maqlay marka ay muddo kaso wareegtay. Markaasuu wuxu uyeedhay shaqaalihiisii  kuna canaantay inaanay usheegin arinkan dulmiga ah oo  ah wiilka  qacanta laga jabiyay.


Waxaana si degdeg ah ugu yeedhay waalidiinta wiilka qacanta laga jabiyay, Wuxuna ku canaantay inay iyaguna taas ka qariyeen.


Markaasu wuxu shiriyey madaxda dawladiisa, wuxuuna u yeedhay wiilkiisa dambiga galay si uu uga qisaaso qacanta uu jabiyay.

 

Markaasay madaxda dawladdu iyo amiiradiisuba hortiisa istaageen, Madaxdii dawladda iyo umaradiisii ayaa ka dalbaday  inuu iska cafiyo, ayaguna ay kan qacanta laga jabiyay ehelkiisa raalli galiyaan.

 

Jamaal al diini ayaa ka diiday una sheegay in cadaalad losameeyo wiilkisa yar la keeno mooyee.

 

Markaasa la keenay, markuu u kacay inu u qisaaso ayay dadki dhammaaantood ooyeeen, Wiilka qacanta laga jabiyay ehelkiisa ayaa istaagay oo ay cafiyeen.

Markaasu cidna u aabe yeelin.


Markiiba wiilkiisi ayu qabtay oo uu dhagax kor saaray birna uu ku dhuftay oo uu jabiyay isago qaylinaya.

Markaasu wiilki suuxay codadka dadkuna iyo oohintooduba cirka isku shareertay naxariis ay wiilkaa yar u qabaan.


Waxana uu ahaa amar laga baqo.

Mana dhicin shaqsi ama qof ka mid ah dawladda inu dhaco inu maalka qofkale qacantiisa utaago si xaq darro ah.

 

Markaas kaddibna ma uusan awoodin mid wayn iyo mid yarba  inu qofkale ku  xad gudbo.

 

"Dulmiyoow na soo dhaaf, dayaxaagii wuu dhacay, digo-rogo habaaroow, dibna hanoogu soo noqon”

 

W/Q: Abubakar Muse Yasin.

Email: [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...