'' Geopolitical Games '' .

0
Friday August 07, 2020 - 17:09:15 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1883
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    '' Geopolitical Games '' .

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje

Wasiirka arrimaha debedda ee wadanka Iran Mahamed Javad zarif ayaa bishii july horaanteedii ku dhawaaqay in ay heshiis istaraaji ah oo mudo dheer soconaya ay wada galeen wadanka shiinaha .

 

Dhawr maalmood ka dib dawladda Hindiya ayaa sheegtay in ay joojisay dhismaha waddo tareen oo isku xidhi lahayd Hindiya iyo Iran oo mari lahaa Af-qaanistaan kharashka ku bixi lahaana laggu qiyaasay hal bilyan iyo lix boqol oo malyuun oo doolar .

 

Hindiya iyo Iran oo ahaa saaxiibo isku wacan muddo dheer soo waday qorshayaal horumarineed ayaa xidhiidhkoodu is badalay markii Hindiya u janjeedhsatay dhinaca Maraykanka iyo Israel isla markaana ay joojisay shiidaalkii ay ka iibsan jirtay Iran culayska marayka awgii .

 

Hadaba Iran iyadoo ka faaidaysanaysa khilaafka sii xoogaysanaya ee Shiinaha iyo Maraykanka iyo xurguf xuduudeedka buuraha Himlaaaya ku dhex maraysa Hindiya iyo shiinaha ayay u wareegtay shiinaha oo ay la gashay heshiiskan taariikhiga ah .

 

Heshiiskan ayaa ku kacaya lacag dhan 400 boqol oo bilyan oo doolar oo la gelinayo dhinacyada baananka , gaadiidka iyo horumarinta Iran , halka shiinunuhuna muddo 25 sanadood ah ayuu ka qaadanayaa saliid .

 

Dhinaca kale shiinaha ayaa maal gelinaya dekedo badan oo ku yaala Iran , dekedadahaas oo ay ka mid tahay dekedda

Bandar-e-Jask port oo ku soo jeeda marinka Hormoos , taasoo ka dhigaysa in shiinuhu hantiyey marin ka mida 7 marin ee ugu muhuumsan marinada badaha Aduunka .

 

Sidoo kale shinuhu wuxuu joogaa Djabouti , Badwaynta hindiya iyo dekedda Gawdar ee pakistan , waxaanu galaangal badan ku leeyahay Afqaanistaan , sidaa darteed waxaa muuqata in shiinuhu isagoo raacaya qorshaha madaxwaynaha XI ee loo yaqaano Belt and Road Intiative ( BRI ) uu tartan xoogle kula geliyo maraykanka gobolada bariga dhexe iyo koonfurta eeshiya .

 

Geesta kale Hindiya waxay u leexatay qorshaha Isreal hogaaminayso ee loo bixiyey Trans-Arebian corridor (TAP), kaasoo ay ku jiraan wadamadda carbeed ee ay is hayaan Iran , waxaana muuqata in furdadaha pakistan iyo Iran ee shiinuhu qabsaday ka saarayaan Hinidya suuqii eeshiyada dhexe .

 

Si kastaba ha ahaatee , Aduunka imika ciyaarahaa loo yaqaano Geo-politics ayaa si xawli ah uga socda , dawladda muuse biixina waxay u baahantahay in ay soo uruursato khubaradii ciyaarahan xeerarkeeda taqaanay si aanay ugu hafanin hirarka iyo mawjadaha badaha ee is garaacaya .


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...