Muuse Biixi Oo Qaabilay Wefti Ka Socda Dalka Shiinaha Oo Safiirka Muqdisho Ku Jiro+Sawiro

0
Friday August 07, 2020 - 15:16:12 in News by
  • Visits: 5043
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Qaabilay Wefti Ka Socda Dalka Shiinaha Oo Safiirka Muqdisho Ku Jiro+Sawiro

    Muuse Biixi Oo Qaabilay Wefti Ka Socda Dalka Shiinaha Oo Safiirka Muqdisho Ku Jiro+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Qaabilay Wefti Ka Socda Dalka Shiinaha Oo Safiirka Muqdisho Ku Jiro+Sawiro


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti heersare ah oo uu hoggaaminayey Wakiilka China u qaabilsan iskaashiga Africa iyo China "China-Africa Cooperation” (FOCAC), Ambassador. Zhou Yuxiao oo safar saddex maalmood qaatay ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.

Image may contain: one or more people and people sitting

Image may contain: 11 people, people standing, suit and outdoor
Image may contain: one or more people, people sitting, table, outdoor and indoor

Ugu Horayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu weftiga warbixin guud ka siiyey horumarka ka hana-qaaday Jamhuuriyadda Somaliland ee ay iska kaashadeen shacbigeeda iyo dawladdu, kaas oo sababay in beesha caalamku indhaha la raacdo kuna dhiiradaan inay maalgashadaan khayraadka kala duwan ee ku duugan dalka.


Waxaanu madaxweynuhu xubnaha weftiga u sheegay in dalkani tusaale u yahay geeska afrika, marka loo eego horumarka dhinaca dimuquraadiyada ee uu ku tallaabsaday sagaal iyo labaatankii sanno ee u danbeeyey isbedelada dhinacyada badan leh ee ka hirgalay, haday tahay dhinaca doorashooyinka, hanaanka axsaabta xisbiyada qaranka iyo nidaamka qori-isu dhiibka ah ee hoggaanka dalka.

Image may contain: 3 people, people standing, suit and outdoor
Image may contain: one or more people and suit
Image may contain: 1 person, standing, suit and indoor
Image may contain: one or more people, people standing and suit

Dhinaca weftiguna waxa ay madaxweynaha kala hadleen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee dhinacyada ganacsiga, iyo iskaashiga bulshada ee ay labada dal lahaayeen mudada dheer.


Ugu dambayntiina waxa la isku af-gartay in labada dal yeeshaan xidhiidh wanaagsan oo ku dhisan ixtiraam iyo in la iska kaashado dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo horumarka.

Image may contain: one or more people, people standing and suit
Image may contain: one or more people, people sitting, suit and table
Image may contain: 1 person, sitting and suit
Image may contain: one or more people and people sitting

Waxaana kulankaasi madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Wasiirrada arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, horumarinta maaliyada, macdanta iyo tamarta, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah iyo wakiilka Somaliland u qaabilsan China.



ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Loading...
Loading...