Muuse Biixi Oo Dalab Kale Ka Diiday Dawlada Shiinaha Iyo Diblomaasiyiin Culus Oo Hargeysa Ku Sugan

0
Friday August 07, 2020 - 14:22:23 in News by
  • Visits: 3181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Dalab Kale Ka Diiday Dawlada Shiinaha Iyo Diblomaasiyiin Culus Oo Hargeysa Ku Sugan

    Muuse Biixi Oo Dalab Kale Ka Diiday Dawlada Shiinaha Iyo Diblomaasiyiin Culus Oo Hargeysa Ku Sugan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Dalab Kale Ka Diiday Dawlada Shiinaha Iyo Diblomaasiyiin Culus Oo Hargeysa Ku Sugan


Hargeysa(HWN):-Hogaamiyaha somaliland Muuse Biixi oo siyaasad ismaqiiq ah ku wajahaya xiisada u dhaxaysa Shiinaha iyo Taiwan ayaa mar kale diiday codsi uga yimid xukuumada Beijing.

Madaxweyne Muuse Biixi oo kala laabtay Heshiiskii Shirkadihii Samaynjiray Lambarada Baabuurta & Buugaagta Gawaadhida ...


Warbaahinta dalka Taiwan ayaa ku warantay in diblomaasiyiin ka socday dalka shiinuhu ay Muuse Biixi soo gaadhsiiyeen dalab shuruud watay oo uga yimid dalka Shiinaha ka yimid.


Warka ayaa sheegaya in dalabka uu Muuse Biixi ka diiday dalka shiinuhu uu sheegayey in somaliland xidhiidhka u jarto Taiwan oo ay dhawaan heshiis wada gaadheen balse taas badalkeeda uu qorshaynayo inuu qaado talaabooyin uu ku xoojiyo iskaashiga ay somaliland la samaysatay Taiwan.


Sidoo kale warka ayaa sheegaya in Isniintii todobaadkan dhamaaday uu Muuse Biixi amray masuuliyiin ka tirsan wasaarada arimaha dibada inay soo dajiyaan qorshihii lagu adkayn lahaa xidhiidhka u dhaxeeya somaliland iyo Taiwan oo haatan curdin ah.


Qodobada uu Muuse Biixi dalbaday in si gaar ah loo soo darso ayey wararku sheegayaan inuu ka mid yahay sida uu suurtagal ku noqon karo aqoonsi ay iswaydaarsadaan somaliland iyo Taiwan.


Talaabooyinka cusub ee Muuse Biixi qaadayo ayaa ku soo beegmaya wakhti ay Hargeysa ku sugan yihiin diblomaasiyiin culus oo ka socda dalka Shiinaha kuwaas oo uu ku jiro safiirkii u fadhiyey Muqdisho, iyada oo hogaamiyaha somaliland-na uu ka caga jiidayo inuu la kulmo weftigan ka socda dawlada shiinaha.

Loading...
Loading...