Wasiirka Maaliyada Somaliya Oo Kulan La Yeeshay Hay'addaha Lacagta Adduunka

0
Friday August 07, 2020 - 09:52:35 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1109
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Maaliyada Somaliya Oo Kulan La Yeeshay Hay'addaha Lacagta Adduunka

    " Waxa aan ka qeyb galay shir ay wadajir u soo qaban qaabiyeen IMF iyo World Bank"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

" Waxa aan ka qeyb galay shir ay wadajir u soo qaban qaabiyeen IMF iyo World Bank"

Muqdisho (HWN)  wasiirka maaliyadda xukumadda federaallka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa kulan la qaatay xubno ka tirsan hay’addaha lacagta Aduunka ee IMF iyo World Bank.



 

Kulan kan oo hab muuqaala ku dhacay, ayaa lagaga wada-hadley saameynta covid-19 uu ku yeeshay dhaqaalaha Somaliya iyo guud ahaanba dhaqaalaha wadamada Afrika.

 

Wasiir Bayle oo kulankaasi ka war bixinayana waxa uu yidhi" Waxa aan ka qeyb galay shir ay wadajir u soo qaban qaabiyeen IMF iyo World Bank, isla markaana ay ka soo qeyb galeen Wasiirada Maaliyadda dalalka Afrika.oo aan ka wada hadalnay sidii aan isaga kaashan laheyn saameynta uu qaaradda ku yeeshay xanuunka Covid-19”. Ayuu yiri sii hayaha wasiirka maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya.

 

Xanuunka Covid-19 ayaa guud ahaanba saamayn ku yeeshay dhaqaalaha wadamada adduunka oo dhan, gaar ahaana waxa uu saamayn wayn ku yeeshay dhaqaalaha waddamada Afrika oo markii horaba aan cago adag ku taagnayn.

Loading...
Loading...