Cabdillaahi Jawaan Oo Farriin U Diray Wasaaraddaha Warfaafinta Iyo Xidhiidhka Goleyaasha

0
Thursday August 06, 2020 - 07:27:36 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1900
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdillaahi Jawaan Oo Farriin U Diray Wasaaraddaha Warfaafinta Iyo Xidhiidhka Goleyaasha

    Cabdillaahi Jawaan Oo Farriin U Diray Wasaaraddaha Warfaafinta Iyo Xidhiidhka Goleyaasha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdillaahi Jawaan Oo Farriin U Diray Wasaaraddaha Warfaafinta Iyo Xidhiidhka Goleyaasha

Hargeisa(HWN):-Siyaasiga Cabdillaahi Xaaji Cumar (Jawaan), ayaa Xukuumadda talada haysa ee Muuse Biixi u soo jeeddiyay inay wax ka qabtaan Astaanta qaranka Somaliland oo la dhalan-rogay, isla markaanna si qaldan loo sawirray oo loo isticmaalay.


Cabdillaahi Jawaan waxa uu si gaar ah u farriintiisa ugu diray Wasaaraddaha Warfaafinta iyo Xidhiidhka Goleyaasha iyo Distoorka, waxaannu tilmaamay inay qaranka Somaliland ceeb ku tahay in asalkii ahayd Astaanta qaranku si yaabo kale loo dhigay.


"TALO BIXIN QARAN. Waxaan halkan Talo uga soo gudbinayaa: Madaxda Jamhuuriyadda Somaliland Sida 3da Gole ee: 1. Golaha Xukuumadda, 2.Goleyaasha Sharci Samaynta ee Guurtida iyo Wakiillada, 3. Garsoorka Qaranka, Xisbiyada Qaranka, Ururrada Bulshada, Hayadaha Madaxa Banaan ee Qaranka, Hayadaha Gaarka loo leeyahay iyo Dadweynaha Somaliland.

Talo bixintaydu Waxay ku saabsan tahay Astaanta Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland ( The National Emblem of the Republic of Somaliland ) Sababta ay iigu Muuqatay in aan Talo Heer Qaran aan ka Bixiyo Astaanta Qaranka Waxay Tahay: Aniga oo arkay Astaanta Somaliland oo Laga Sameeyey Sawirro Badan oo Cidkasta oo Somaliland ahiba Sida ay ula eeggaato u Sawirtay Astaamaha Qaarkoodna aad Arkayso in Asalkii Astaanta wax Laga Qalday Gaar ahaan ( Bisinka oo ah Magaca Alle iyo Allahu-Akbarta oo ah Weyneynta Alle iyo Salka hoose Calleemaha ku Wareegsan Astaanta oo Qaabab aan Asalkii ahayn Loogu Dhiggay ). 

Haddaba waxaan halkan hoose idiin Soo Dhiggay Muuqaalka Astaanta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Rasmiga ee Loo Qaatay Astaanta Qaranka 1991kii. Waxaan u Gudbiyey Astaanta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Muuqaalka Rasmi ah Labada Wasaaraddood ee: Xidhiidhka Goleyaasha iyo Dastuurka Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Warfaafinta iyo Hanuuninta Bulshada. Haddaba Foolxumo ayey Qaranka ku tahay in Astaanta Qaranka Qofba uu Sida ay la noqoto u Muujiyo oo Marka aad Gasho Baraha Bulshada aad Arkayso ilaa Sodomeeyo Astaamood oo Kala Muuqaal ah. Haddaba waxaan Madaxweyne Mudane Muuse Biixi Cabdi kula Talinayaa uu Amar Madaxweyne ku Soo Saaro in Lagu Dhaqmo Astaanta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Rasmiga ah ee Halkan Hoose ka Muuqata.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...