Guddoomiyaha Sool Oo Kormeeray Deegaamo Laba Beelood Shaqaaqo Ku Dhexmartay

0
Wednesday August 05, 2020 - 19:03:55 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1110
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Sool Oo Kormeeray Deegaamo Laba Beelood Shaqaaqo Ku Dhexmartay

    Guddoomiyaha Sool Oo Kormeeray Deegaamo Laba Beelood Shaqaaqo Ku Dhexmartay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Sool Oo Kormeeray Deegaamo Laba Beelood Shaqaaqo Ku Dhexmartay

Hargeisa(HWN):-Badhasaabka gobolka Sool oo aywehelinayeen taliyaha qaybta booliska Sool iyo madax dhaqameed ayaa gaadhay deegaamadda Jidbaale iyo Adhi-cadeeye oo ay dhawaan laba beelood shaqaaqo ku dhexmartay.


Weftiga Badhasaabku hogaaminayay ayaa kulamo la yeeshay madax dhaqameedka iyo waxgaradka deegaankaasi. Waxaanay kula dar-daarmeen in aan la ogolaan karin ciidan beeleedyo hubaysan, isla markaana ay nabadgeliyada sugayaan ciidamadda qaranka Somaliland.


Badhasaabka gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa faahfaahin ka bixiyay socdaalka ay ku tegeen Adhi-cadeeye iyo Jidbaale. Waxaanu yidhi, "Waxaan maanta gaadhnay, Ceel biyoodyo ku kala yaala deegannada Adhi-Caddeye iyo Jidbaale si loosii xoojiyo da’daallada nabadonimada ah ugana qaadano da’daallada nabadeed ee walaalaha Cilmi Naalaye iyo Fiqishini.

Safarka waxaa igu weheliyey Taliyaha qaybta Booliiska gobolka. Duqay iyo Culumo uu hogaminayo Cabdullaahi Garaad Saleebaan iyo xubno kele oo qaybaha bulshada ka kooban”.


"Safarkan iyo kormeerkan Nabadeed ayaannu kula kulanay odoyaasha labada dhinac ee walaalaha ah, waxaanna ku wargelĺinnay in Ceelasha aannu booqannay ay ka caagan yihiin dadka hubaysan isla markaanna dhinac walba uu kudhaqmo awaamiirta la Faro insha ALLAAH” ayuu yidhi badhasaabka Sool.

Geesta kale C/qani Jiidhe, ayaa uga mahad celiyay madax dhaqameedka labadda beelood aqbalaadda ay aqbaleen gogosha nabadeed ee loo dhigay.


"Waan uga mahad cellinayaa, walaalaha Cilmi Naalaye iyo Fiqishini soo dhawaynta iyo ajiibka go’aamada dawladda, waxaana ku boorinayaa inay u diyaar garoobaan gogosha nabadeed ee toddobaad kan Adhi-Caddeeye loo dhigay, odayaasha dhaqanka iyo Culimaduna ugu gar-qaadi doono, haddii Rabbi idmo” ayuu yidhi badhasaabku.

Dhinaca kale badhasaabku waxa uu baaq u diray waxgaradka iyo odayaasha labadda beelood. Waxaanu yidhi, "Ugu danbayn labada beelood, waxaan ku ammaannayaa, ugana mahad cellinayaa sida ay isku xakameyeen, wax danbena u dhib ahna uga daba gayn iska hor imaadkii 2-toddobaad ka hor Adhi-Caddeeye ka dhacday”.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...