Muuse Biixi Oo Wali Ka Meeraysanaya Inuu La Kulmo Safiirka Shiinaha Ee Soomaaliya Oo Sadex Cisho Hargeysa Jooga

0
Tuesday August 04, 2020 - 15:44:27 in News by
  • Visits: 1954
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Wali Ka Meeraysanaya Inuu La Kulmo Safiirka Shiinaha Ee Soomaaliya Oo Sadex Cisho Hargeysa Jooga

    Muuse Biixi Oo Wali Ka Meeraysanaya Inuu La Kulmo Safiirka Shiinaha Ee Soomaaliya Oo Sadex Cisho Hargeysa Jooga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Wali Ka Meeraysanaya Inuu La Kulmo Safiirka Shiinaha Ee Soomaaliya Oo Sadex Cisho Hargeysa Jooga

Hargeysa(HWN):-Safiirka dalka China u fadhiya magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya danjire Qin Jian oo labadii maalmood ee u dambeeyay ku sugan magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaan weli la kulmin Madaxweyne Biixi.




Danjire Jian, oo hoggaaminaya diblomaasiyiin ka tirsan safaaradiisa Muqdisho ayaa Sabtidii socdaal ku yimid magaalada Hargeysa, si uu dawladda Somaliland ugala hadlo xidhiidhka cusub ee Somaliland iyo Taiwan dhex maray oo uu safiirku si kulul u cambaareeyay.


Hase yeeshee danjire Jian ayaa saddex maalmood oo uu Hargeysa joogay aan weli la kulmin Madaxweyne Biixi, waxaana Safiirka qaabilay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda, iyadoo uu wasiirka arrimaha dibaddu dalka ka maqan yahay.


Si rasmi ah looma garanayo sababta keentay in Safiirku arki kari waayo madaxweyne Biixi, laakiin waxa la dareensanyahay in dawladda China doonayso inay Somaliland weydiisato inay ka baxdo xidhiidhka cusub ee Taiwan.


Dawladda China ayaa si weyn uga hortimid, una cambaaraysay bilowga xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan oo gaadhay heerka ah inay wakiilo is weydaarsadaan. Wakiilka ay Taiwan u soo magacowday JSL ayaa ku sugan Hargeysa, iyadoo la filayo in wakiilka ay Somaliland magacowday uu isna dhawaan u ambo baxo Taiwan.


Hargeysa ayaa maalmahan noqotay caasimad martigelisay laba diblomaasi oo kala socda China iyo Taiwan oo si weyn isu haya.

 


Loading...
Loading...