Wasiir Beyle oo shuruud adag ku xiray bixinta lacag uu horay umray RW Kheyre

0
Tuesday August 04, 2020 - 10:18:58 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2088
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Beyle oo shuruud adag ku xiray bixinta lacag uu horay umray RW Kheyre

    Waxa ay sidoo kale sheegtay in nasiib daro ay tahay in dowladda dhexe wali aysan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa ay sidoo kale sheegtay in nasiib daro ay tahay in dowladda dhexe wali aysan




Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa shuruud ku xiray bixinta lacagtii loogu tala galay Shacabka ku dhibaateysan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

 

Lacagtaan oo dhan Nus Milyan ayaa waxaa uu sheegay Wasiir Beyle in aysan bixin doonin haddii aan la helin hanaan cad oo looga hortagi karo in lacagtaasi la musuq maasuqo.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay Guddiyo ka shaqeeya Arrimaha gargaarka degmada Afgooye iyo maamulka Koonfur Galbeed in lagu wareejiyo lacagtaasi.

 

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ku eedeysay Wasiir Beyle in uu ku fashilmay bixinta lacagta gargaarka degmada Afgooye, islamarkaana dadka degaanka xilligii ay u baahanyeen aan la gaarsiin.

 

Waxa ay sidoo kale sheegtay in nasiib daro ay tahay in dowladda dhexe wali aysan fulin ballanqaadkii Shacabka degmada Afgooye.

 

Lacagtaan oo dhan nus Milyan ayaa 20 berri ka hor waxaa ballanqaaday Ra’iisul Wasaarihii xilka laga qaaday Xasan Cali Kheyre.

 


Loading...
Loading...