Dhalinyaro Soomaali oo ku xirneyd Xabsi ku yaalla Suudaan oo la siidaayay

0
Tuesday August 04, 2020 - 10:12:49 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1057
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhalinyaro Soomaali oo ku xirneyd Xabsi ku yaalla Suudaan oo la siidaayay

    Danjiraha Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Suudaan Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa faah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Danjiraha Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Suudaan Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa faah




Dhalinyaradani Soomaaliyeed oo kunool magaalada Khaartuum ee caasimadda Dalka Suudaan ayaa ciidamada ammaanka dalkaasi kala kulmay xarig,kadib markii ciidamadu ay la soo qabteen dad sameynayay banaan baxyo,balse iyagu aanay wax lug ah ku lahayn.

 

Mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee Suudaan oo ka jawaabayay talaabadaasi ayaa saraakiisha laamaha ammaanka dalkaasi kala hadlay sidii xoriyadooda dib loogu soo celin lahaa dhalinyaradaasi oo kamid ah ardayda wax ka baratay dalkaasi,taasi oo lagu guuleystay.

Danjiraha Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Suudaan Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa faah faahiyay sababaha ka dambeeya xarigooda,iyo sida ay ku soo daayeen.

 

Safaaraddu waxay ku guuleysatey in ay xabsiga ka soo deeyso Maalinkii ciida ahayd 10 kamid ah Ardeyda Soomaaliyeed ee Suudan, kuwaas oo ay xireen Booliska dalkaasi,ayagoo salaadii ciida ka soobaxay.”

 

"Anagoo marwalabo u adeeygeyna muwaadiniinta ayaa Waxaan ku boorineeynaa Jaaliyadda Soomaaliyeed gaar ahaan Ardeyda in ay ka fogaadaan meelaha ay Rabshadaha ka jiraan.” ayuu yiri danjire Maxamed Sheekh Isxaaq.

 

Sababaha keenay xarigooda ayuu ku tilmamaaya danjire Maxamed Sheekh Isxaaq in ay tahay kadib markii halkaasi ay ka dheceen rabshado ay sameeynayeen bulshooyin kale,balse dhalinyarada Soomaaliyeed si kama ah loo xiray,iyadoo dadaal kadib safaaraddu ay siideysay dadkaasi


Loading...
Loading...