Deni oo maanta ku wajahan deegaano ka tirsan gobolka Mudug

0
Tuesday August 04, 2020 - 09:40:02 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 785
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deni oo maanta ku wajahan deegaano ka tirsan gobolka Mudug

    Madaxweyne Deni iyo Wefdigiisa, oo u kuur-gelaya Xaaladda Galdogob

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Deni iyo Wefdigiisa, oo u kuur-gelaya Xaaladda Galdogob




Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa Maanta oo Talaado ah ku wajahan Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug.

 

Socdaalka Madaxweynaha, oo ah kii u horreeyay ee tan iyo markii la doortay uu ku tago degmada Galdogob, waxaa ku wehelin doona xubno ka tirsan Golayaasha maamulka Puntland iyo Maamulka Gobolka Mudug.

Madaxweyne Deni iyo Wefdigiisa, oo u kuur-gelaya Xaaladda Galdogob, ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Mas’uuliyiinta Degmada, Hoggaanka Dhaqanka iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada Degmadaasi.

 

Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa halkaasi ka dhagax-dhigi doona mashaariic horumarineed, oo horay Dowladdu u ballan-qaaday in laga fulin doono Degmada Galdogob.

 

Deni, ayaa noqonaya Madaxweynihii labaad ee Puntland oo booqda Degmada Galdogob, oo qiyaastii 80KM dhanka Galbeed kaga beegan Gaalkacyo, islamarkaana Soohdin la wadaagta Dowlad Degaanka Soomaalida DDS.


Loading...
Loading...