Ergaygii Qaramada Midoobay Ee Dawlada Soomaaliya Eriday Oo Xil Cusub Loo Magacaabay.

0
Wednesday April 17, 2019 - 16:24:17 in News by
  • Visits: 2422
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ergaygii Qaramada Midoobay Ee Dawlada Soomaaliya Eriday Oo Xil Cusub Loo Magacaabay.

    Ergaygii Qaramada Midoobay Ee Dawlada Soomaaliya Eriday Oo Xil Cusub Loo Magacaabay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ergaygii Qaramada Midoobay Ee Dawlada Soomaaliya Eriday Oo Xil Cusub Loo Magacaabay.


Washington(HWN):-Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa xil cusub u magacaabay Nicholas Haysom oo ahaa ergaygii qaramada midoobay ee ay dawlada soomaaliya hore u eriday.


Xoghaye Antonio Guterres ayaa Haysom u magacaabay la la taliyaha gaarka ah ee Midawga Afrika ka taageeraya dhex dhexaadin laga galo xiisada ka taagan dalka Suudaan.

Image result for Antonio Guterres and Haysom


Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa wariyaasha u sheegay in Nicholas Haysom uu ka taageeri doono midowga Africa wax walbaa oo uu awoodo oo lagu badbaadinayo Sudan.


Sidoo kale Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa kala hadlay guddoomiyaha guddiga Midowga Afria Muusa Faki Maxamed xilka loo magacaabay Haysom iyo in mar walbaa uu garab taagnaan doono shacabka Sudan.


"Xoghayaha guud wuxuu si aad ah u sheegay inuu wanaagsan yahay xiriirka uu la leeyahay Midowga Afrika, wuxuu sameyn doonaa wax kasta oo uu awood u leeyahay inuu ku taageero dadaalkooda,” ayuu yidhi Dujarric.


Nicolas Haysom, ayaa ahaa wakiilkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, balse waxaa laga eryay Soomaaliya afar bilood ka hor, kadib markii dowladda Soomaaliya ay ku eedeysan inuu faragelin ku sameeyay arimaha gudaha dalka.


Haysom waa Qareen Koofur African ah, waxaana uu horey usoo noqday Wakiilkii Qaramada Midoobay ee Sudan iyo Koofurta SUdan, sidoo kale wuxuu madax ka noqday Howlgalka Qaramada Midoobay ee Afgaanistaan.

Loading...
Loading...