Sheekh Shariif Oo Shirka Mudulood Hanjabaado Culus Uga Soo Dhex Diray Madaxweyne Farmaajo

0
Monday August 03, 2020 - 20:09:45 in News by
  • Visits: 2550
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Shariif Oo Shirka Mudulood Hanjabaado Culus Uga Soo Dhex Diray Madaxweyne Farmaajo

    Sheekh Shariif Oo Shirka Mudulood Hanjabaado Culus Uga Soo Dhex Diray Madaxweyne Farmaajo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Shariif Oo Shirka Mudulood Hanjabaado Culus Uga Soo Dhex Diray Madaxweyne Farmaajo


Madaxweynahii hore Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlayay shirka wadatashiga beelweynta Mudulood ayaa soo hadal qaaday waxyaabo badan oo ay ka mid ahaayeen sida ay beesha ula falgashay dowladnimada, nabadda, diinta iyo dhamaan qeybaha muhiimka u ah Bulshada.

Sheekh Shariif oo si kulul uga hadlay Bandowga lagu adkeeyay dadka reer Muqdisho - BANDHIGA


Sharif Sheikh Axmed ayaa ugu horreyn ugu baaqay Beesha Mudulood iney ka garawdo tabashooyinka ay beelaha kale ka qabaan, wuxuu soo jeediyay in lala fariisto beelaha isku arka in laga xoog iyo tiro badan yahay, wuxuuna si gaar ah imaamka beesha ugu raacay talaabada lagula fariisanayo beelaha Banaadiriga.


Isagoo ka hadlayay sida ay beesha ula falgashay dowladnimada wuxuu yiri: "Mudulood xoogooda ugu badan waxay ku bixiyeen dowladda dhexe, ciidamada ugu badan kuwa xoogga waa Mudulood, ma ahan in lagu dhibaateeyo qabiilkood dartood ciidan ku soo shaqeeyay xaalado adag,”


Dhanka kale Shariif wuxuu si gaar ah uga hadlay taageeradii ay la garab istaageen Farmaajo markuu guusha gaaray, wuxuuna tilmaamay ineysan jirin cid isaga iyo madaxweyne Xasan ku qasabtay iney garab istaagaan, balse ay kaliya sugayaan inuu wakhtigiisa dhamaado.


"Shalay markuu Madaxweyne Farmaajo guuleystay aniga iyo Xasan Sheekh garbaha istaagnay cid noo sheegtay ma jirto, ee annaga go’aansanay, hadana Madaxweyne Farmaajo wakhti ayuu leeyahay, waqtigiisa ha dhameysto”


Ugu dambeyntii madaxweynahii hore ayaa qudbadiisa ku sheegay in madaxweyne Farmaajo uusan qaban karin doorasho qof iyo cod ah xitaa hadii fursad la siiyo muddo 20-sano ah.


"Haddii aan isku raacno in Madaxweyne Farmaajo kursiga loo daayo, waxba kama qabo laakiin, waxaan hubaa doorasho qof iyo cod in uusan ku qaban karin, xitaa haddii 20 sano la siiyo,” ayuu yiri Shariif.

 

Loading...
Loading...