Ciidanka Milatariga Gobolka Tigreega Itoobiya Oo Dhoolatus Culus Sameeyey.

0
Monday August 03, 2020 - 17:56:34 in News by
  • Visits: 2873
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Ciidanka Milatariga Gobolka Tigreega Itoobiya Oo Dhoolatus Culus Sameeyey.

    Ciidanka Milatariga Gobolka Tigreega Itoobiya Oo Dhoolatus Culus Sameeyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Milatariga Gobolka Tigreega Itoobiya Oo Dhoolatus Culus Sameeyey.


Militariga gobolka Tigreega ayaa dhoolatus ka sameeyay halkaas xilli ay sare u kaceyso xiisadda ka dhex taagan gobolkan iyo dowladda federaalka.




Ciidammada gaarka ah iyo miltariga ayaa la arkayay iyagoo labadii maalin ee lasoo dhaafay dhoolatus ku sameynaya magaalada caasimadda u ah gobolka ee Mekele iyo magaalooyin kale.


Maamulka gobolka Tigreega kama aanu hadlin sababta ka dambeysa dhoolatuskan militari.


Xisbiga TPLF oo hore uga tirsanaa xisbigii EPRDF ayaa dalka Itoobiya maamulayay 27 sano, Way kala boodeen Abiy Axmed markii uu xilka qabtay , iyagoona markii dambe diiday in ay ku biiraan xisbiga cusub ee barwaaqada ee PP.


Waxay ku dhawaaqeen doorasho u gaar ah kaddib markii dowladda federaalka ay dib u dhigtay doorashada feyraska Corona awgii.

Loading...
Loading...