WADDANI Oo Weerarka Astaan TV Ku Tilmaamay Mid Dhaawaci Kara Maalgashiga Somaliland

0
Monday August 03, 2020 - 17:07:29 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1858
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WADDANI Oo Weerarka Astaan TV Ku Tilmaamay Mid Dhaawaci Kara Maalgashiga Somaliland

    WADDANI Oo Weerarka Astaan TV Ku Tilmaamay Mid Dhaawaci Kara Maalgashiga Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WADDANI Oo Weerarka Astaan TV Ku Tilmaamay Mid Dhaawaci Kara Maalgashiga Somaliland

Hargeisa(HWN):-Xoghayaha guud ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Khadar Xuseen Cabdi waxa uu sheegay in arrinta Astaan TV, ay imtixaan ku tahay samcadda maalgashi ee Somaliland, isagoo sheegay in Somaliland ay u baahan tahay qofkasta oo maalgashannaaya.



Sidoo kale, waxa uu ka hadlay Xadhiga ay Xukuumaddu kula kacday Mulkiilihii Astaan Cable TV oo Saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay ku xidhnaa magaaladda Hargeisa ee xarunta Caasimadda Somaliland, isagoo ku taliyay inaan Dalqadda iyo Hunguriga uun wax laga arag.

Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi in Somaliland ay faa'iiddo ku qabto qofkasta oo Maalgashadda Somaliland, taasoo uu sheegay inay ka dhalanayso Shaqo abuur iyo Cashuur bixin, isla markaanna waxa uu ugu baaqay Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi inay ilaaliso dadka Maalgashannaaya dalka, waxaannu ka digay in awood loo sheegto dadka Maalgashiga ku samaynaaya Somaliland.


"Baahida ugu wayn ee Somaliland maanta qabtaa waa inay hesho maalgashi. Qofkasta oo wadankan maal-gashadaa wuxuu Shaqo u abuurayaa Muwaadiniin reer Somaliland ah. Wuxuu bixinayaa Cashuur." Ayuu yidhi Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI.

Waxaannu intaas ku daray oo uu yidhi "Wuxuu wax ku kordhinayaa wareega dhaqaalaha. Wadan innaga oo kale ah waxaa ku waajiba inay si fiican u soo dhaweeyaan qofkasta oo maal gashi la yimaada, tiiyo shuruucda la raacaayo.

Maaha in marka la arko ganacsi qof leeyahay oo si fiican u shaqaynaaya la damaaciyo oo la yidhaa waa inaan ka qaadanaa, tiiyoo awooda Dawladnimo si guracan loogu adeegsanaayo.

Yaan dalqada iyo hungiriga wax laga arkine arimaha Caqli iyo Xikmad ha lagu daro. Waajib ayaa Xukuumadda ka saaran inay dhawrto xuquuqda dadka dalkan maal- gashanaaya iyo Sumcada Somaliland ee maalgashigaba." Ayuu yidhi Xoghayaha guud ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Khadar Xuseen Cabdi

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...