Xisbiga KULMIYE Oo Muddeeyay Qabsoomidda Shirweynaha 4aad

0
Monday August 03, 2020 - 15:15:06 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga KULMIYE Oo Muddeeyay Qabsoomidda Shirweynaha 4aad

    Guddigu waxay sheegeen in Shirweynaha Xisbigaasi uu dhici doonno bisha 10aad ee sanadkan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddigu waxay sheegeen in Shirweynaha Xisbigaasi uu dhici doonno bisha 10aad ee sanadkan

Hargeisa(HWN):-Guddiga qaban-qaabadda Shirweynaha 4aad ee Xisbiga KULMIYE ayaa maanta shaaciyay xilliga uu qabsoomaayo Shirweynaha Xisbigaas.
Golaha Dhexe Ee Kulmiye Oo La Isugu Yeedhay – Sagal News


Guddigu waxay sheegeen in Shirweynaha Xisbigaasi uu dhici doonno bisha 10aad ee sanadkan aynu ku jirno, waxaannu ugu baaqay Xubnaha iyo Ergooyinka xisbiga KULMIYE inay isku diyaariyaan ka soo qayb-galka Shirweynahaas.

"Waxaannu saaka idinku yeedhnay beryahaasba waxay lahaayeen miyaan shirweynihii Xisbiga KULMIYE la qabanayn? Annagoo raacayna Xeerka Xisbiga, oo la waafajinayna wakhtiga uu qabsoomaayo Shirweynaha Xisbigu, waxaannu ku dhawaaqaynaa wakhtiga uu dhacaayo Shirweynuhu 4aad ee Xisbiga KULMIYE, waxaannu filaynaa inaanu nahay Xisbiga qudha ee saddex shirweyne soo qabsadday, imikanna u diyaar-garoobbaaya Shirweynihii 4aad" Ayuu yidhi Cabdikariim Xinnif

"Xeer 14 iyo Xeer hoosaadka Xisbiguba waxay na farayaan in Shantii sannaba hal mar Xisbiyaddu Shirweyne qabsaddaan, laakiin waxaan filayaa in Xisbiga KULMIYE uu wax ka yar ku qabsaddo, waayo Cimriga Xisbigu markuu yahay 18 sano jir, markaa afartii sano iyo badh ba waxaannu qabanay Shirweyne, markaa waannu buuxinay shuruucdii.

Waxaannu maanta halkan kaga dhawaaqaynaa in Xisbiga KULMIYE uu qabsan doonno Shirweynihii 4aad oo dhici doonna bisha 10aad sanadka 2020-ka, markaa Xubnihii Xisbiga, Golihii dhexe ee Xisbiga iyo Ergooyinka Xisbiguba inay isku diyaariyaan, waxaannu ka dhici doonnaa Caasimadda Hargeisa ee Somaliland." Ayuu yidhi Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabadda Shirweynaha 4aad ee Xisbiga KULMIYE Cabdikarriim Xinnif

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...