Xildhibaano sheegay inay ka Shaqeynayaan dhicista doorasho qof & Cod ah

0
Monday August 03, 2020 - 10:58:22 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1120
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaano sheegay inay ka Shaqeynayaan dhicista doorasho qof & Cod ah

    Inta uu socday kulanka Xildhibaanda ayaa waxaa looga hadlay midnimada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta uu socday kulanka Xildhibaanda ayaa waxaa looga hadlay midnimada




Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay kulan ku yeeshay In ka badan 50 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyagoo kulanka dib la hadlay warbaahinta.

 

Inta uu socday kulanka Xildhibaanda ayaa waxaa looga hadlay midnimada Golaha Shacabka, xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha Doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan 2020/2021.

Mid kamid ah Xildhibaanada oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay inay ka shaqeynayaan Badbaadinta Masiirka Ummadda Soomaaliyeed iyo sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen kalsoonida shacabka.

 

Waxaa uu sheegay Xildhibaankaas in ay ka shaqeyn doonaan in dalka Soomaaliya la gaarsiiyo sidii ay uga qabsoomi laheyd Doorasho qof iyo Cod ah, isla markaana ay Go’aan ku gaareen ka shaqeynta midnimada Golaha Shacabka iyo samata bixinta shacabka.

 

Xildhibaanadii xalay kulanka yeeshay ayaa waxaa ay dhamaantood shaaciyeen inay sidii socon doonaan kulamada looga hadlayo Arrimaha Doorashooyinka dalka, iyagoo tilmaamay in kulamada ay kusoo biiri doonaan Xildhibaano kale.


Loading...
Loading...