Xildhibaanada golaha shacabka oo maanta kulan ku leh Muqdisho

0
Monday August 03, 2020 - 10:54:50 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 863
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanada golaha shacabka oo maanta kulan ku leh Muqdisho

    Kulanka ayaa waxaa ay Maanta uga doodi doonaan si wadista dib-u-eegista miisaaniyadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka ayaa waxaa ay Maanta uga doodi doonaan si wadista dib-u-eegista miisaaniyadda




Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Maanta oo Isniin ah ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshaan Xarunta kumeel gaarka ah ee Villa Hargeyska.

 

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa xalay waxaa loo diray farriin ku saabsan in uu Maanta jiro kulanka Golaha Shacabka,isla markaana Xildhibaannada looga baahan yahay inay kasoo qeyb galaan.

Kulanka ayaa waxaa ay Maanta uga doodi doonaan si wadista dib-u-eegista miisaaniyadda Sanadka 2020 iyo u Codeyn wax ka Bedelka Sharci Num 75 Qodobkiisa 10aad ee Muda Xileedka Guddiga Madaxbanaan ee Xuduudaha iyo Faderaalka.

 

Guddiga Madaxbanaan ee Xuduudaha iyo Faderaalka ayaa waxaa ay muddada Shaqadiisa ku ekeed Baarlamaankii hore ee sanadkii 2016-kii, hayeeshee Shaqadiisa aan aan badneyn uu iska sii watay.

 

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa qorsuhu yahay inay Guddiga Madaxbanaan ee Xuduudaha iyo Faderaalka mudada xilheynta u kordhiyaan si uu ula jaan qaado Baarlamaanka 11aad ee soo socda.


Loading...
Loading...