134 cisho kadib oo dib loo fasaxay duulimaadyada caalamiga ah ee dalka

0
Monday August 03, 2020 - 10:49:02 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 876
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    134 cisho kadib oo dib loo fasaxay duulimaadyada caalamiga ah ee dalka

    Maareeyaha Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyaha Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan




134 cesho kadib Maanta ayaa dib loo furay duulimaadyada caalamiga ah ee dalka,waxaana ay ka dabeysay markii todobaadkii lasoo dhaafay ay Golaha Wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen in la qafiiyo xayiraadaha saarnaa dalka sababa la xariira covid-19.

 

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan oo Goordhaweyd la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in maanta dib loo furayo duulimaadyada Caalamiga ah isla markaana ay u diyaar garoobeen sidii loo wajihi lahaa xaalada wali ka taagan cudurka safmarka ah ee Karoona Feyruska.

 

"Waxaan dhammaan fareynaa rakaabka baxaya ama kasoo degayo Garoonka Aadan Cade ay qasabtahay inay xertaan maryaha afka lagu xerto ee face Maska. Iyo sidoo kale gacmo gashiga iyadoo la raacaya fariimaha aan ka bixineyno halista cudurka Covid-19 ayuu yiri Maareeye Axmed macalin.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa xirtay duulimaadyada caalamiga 19 bishii sedexaad ee Sanadkaan 2020 kaddib markii kiiskii ugu horeeyay ee Covid-19 laga helay dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.


Loading...
Loading...