Takoorkii Gabooyaha 1950s ka jiray Somaliland !

0
Monday August 03, 2020 - 09:50:34 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2093
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Takoorkii Gabooyaha 1950s ka jiray Somaliland !

    Suleiman Bolaleh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suleiman Bolaleh

Buugii Margraten Laurence ayaan wali akhriyayaa bilowgii joogitaankeeda Magaalada Sheekh qoraagu waxay ogaatay in Somaliland Protectorate ay ka jiraan dad dhalasho ahaan cida ay ka soo jeedaan lagu takooro.

 

Buuga ay qortay bogiisa 34aad waxay ku sheegtay qoraagu in ay magaalada Sheikh kula kulantay nin Professor Guush Somalidu u taqaanay oo Macalin ka ahaa Dugsiga sare ee ugu wayn ee ka jiray xiligaasi Somaliland Protectorate.

 

iyadoo qoraagu ka waramaysa Macalin Guush waxa ay tidhi, Guush waa Polish, waana nin dheer, oo muujin kara dareenkiisa, oo leh muuqaal waji reer bari (macnaa Yurubta bari), oo leh daaman qurux badan (high cheekbones), oo leh Indho eeshiyaan, waana nin ku gabya afkiisa.

 

Macalin Guush, waa nin cabqari ku ah ku hadalka afka Soomaaliga, waxanu ku sameeyay daraasad luuqada Afka Soomaaliga iyo qababka loogu dhawaaqo. Isagoo iiga sheekaynaya kaftanka Soomaalida, ayuu wuxuu ila wadaagay sheeko ku saabsan nin Midgaan ah, xaaskiisii ayaa ilmihii uur ka ay ku siday ka soo qubtay (miscarriage), aad ayaanu uga cadhooday, asxaabtiisii markii ay waydiiyeen waxan ka cadhaysiiyay, wuxuu Ninkii ku jawaabay — arinkaasi wuxuu i baray in aanad waxbaba ku shubanin weel foorara (There! That will teach me not to pour anything into a vessel that is upside down!).

 

Iyadoo wali ku dhex jirta sheekadii Midgaha qoraagu waxay tidhi.

 

Nadiifinta guryaha Soomaalidu ma qabato, shaqadan hoose waxa qabta Midgaha, oo ah qabiil la takooro. Waxay leeyihiin luuqad u gaar ah, xili hore oo fogna waxay ahaayeen ugaadhsato, iyagoo u isticmaali jiray warmahooda iyo leebabkooda afkoodu sumaysan yahay, oo ay ku soo dili jireen ilaa maroodiga oo dhulkan ku noolaan jiray, si la mid ah sida ay ilaa hada sameeyaan dadka Pygmies oo ku nool koonfurta dunidu. Midguhu waxay badanaa sameeyaan shaqooyinka hargo midginta, kabo samaynta iwm. Had iyo goor Midgaha waxa kala qaybsada oo ay la kala degaan Qabaa’ilka Somalida oo ay u ahaayeen shaqaale, wakhti horena waxaabay adoomo u ahaayeen Soomaalida, iyagoo sida xaqiiqadu tahay uga aqoon badan Somalida xaga xirfadaha gacanta lagu sameeyo. Magacyada la isku caayo kan ugu badan ee Soomaalidu isticmaashaa waa Midgaan.

 

Sheekada dadka la haybsooco ee Somaliland Protectorate 1950s wali way socotaa.

 

Asxaabta akhrida qoraalka waxa laga codsanayaa in ay ku mention gareeya Gabooyaha Somaliland #SuldaanNaasir Suldaan Cabdi


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...