Mudaharaado Waa Weyn Oo Ku Soo Wajahan Dawlada Soomaaliya

0
Wednesday April 17, 2019 - 15:18:20 in News by
  • Visits: 1848
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudaharaado Waa Weyn Oo Ku Soo Wajahan Dawlada Soomaaliya

    Mudaharaado Waa Weyn Oo Ku Soo Wajahan Dawlada Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudaharaado Waa Weyn Oo Ku Soo Wajahan Dawlada Soomaaliya


Muqdisho(HWN):-Siyaasi Salaad Cali Jeelle ayaa ka hadlay mudaharaadyo waa weyn oo uu sheegay inay ku soo wajahan yihiin dawlada federaalka ah ee soomaaliya.

Image result for farmaajo iyo khayre


Siyaasi Salaad Cali Jeelle oo warbaahinta la hadlay mar uu ka soo baxay xarunta madaxtooyada ayaa sheegay in dawladu ay ka war hayso mudaharaado ay qaban qaabinayaan mucaaridka ka soo horjeeda dawlada iyo xisbiyada siyaasada qaarkood.


Siyaasi Jeelle ayaa tilmaamay in dhaqaalaha ku baxaya mudaharaadadaasi laga keenay dalka Imaaraadka isaga oo sheegay inuu arintaas fududeeyey raysal wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.


Siyaasi Jeelle ayaa hadalkiisa ku bilaabay "waxa la wadaa mudaharaado lagaga soo horjeedo dawlada oo ay qaban qaabinayana mucaaridka iyo xisbiyo siyaasadeed,waana mid la doonayo in lagu wiiqo umada iyo dawladnimada soomaaliya, waxaanan ognahay inay wadaan dad u adeegaya dawlado shisheeye ay dabada ka riixayaan banaan baxyadan.”


Siyaasi Salaad Cali Jeelle oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey " Waxa qayb ka ah dadka wada banaanbaxyadan raysal wasaarihii hore ahna senator ka tirsan aqalka sare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, kaas oo u adeegaya danaha dawlado shisheeye.”


Siyaasi Salaad Cali Jeelle ayaa haatan u muuqda inuu cadaystay taageerada uu u hayo dawlada federaalka ah ee soomaaliya ee uu hogaaminayo raysal wasaare khayre isla markaana madaxweynaha ka yahay Farmaajo.


Loading...
Loading...