Wefti Uu Hogaaminayo Safiirka Shiinaha Ee Muqdisho Oo Socdaal Ku Yimid Hargeysa Iyo Ujeedada Ka Dambaysa

0
Saturday August 01, 2020 - 20:38:49 in News by
  • Visits: 3188
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wefti Uu Hogaaminayo Safiirka Shiinaha Ee Muqdisho Oo Socdaal Ku Yimid Hargeysa Iyo Ujeedada Ka Dambaysa

    Wefti Uu Hogaaminayo Safiirka Shiinaha Ee Muqdisho Oo Socdaal Ku Yimid Hargeysa Iyo Ujeedada Ka Dambaysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wefti Uu Hogaaminayo Safiirka Shiinaha Ee Muqdisho Oo Socdaal Ku Yimid Hargeysa Iyo Ujeedada Ka Dambaysa


Hargeysa(HWN):-Safiirka dawlada shiinaha u fadhiya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya Qin Jian ayaa socdaal rasmi ah ku yimid magaalada Hargeysa ee caasimada somaliland.

Safiirka Shiinaha ee Muqdisho oo Safar ku imaanaya Hargaysa iyo ...


Safiirka Shiinaha u fadhiya soomaaliya Qin Jian ayaa hogaaminaya wefti ka socda dalka shiinaha kuwaas oo la rajaynayo inay kulamo la qaataan madaxweynaha somaliland iyo saraakiisha wasaarada arimaha dibada.


Saraakiil ka tirsan wasaarada arimaha dibada somaliland aya qaybo ka mid ah warbaahinta madaxa u xaqiijiyey in wefti uu hogaaminayo safiirka shiinaha ee soomaaliya Qin Jian ay soo gaadheen somaliland, waxaanay cadeeyeen kulanka uu madaxweyne muuse biixi la yeelan doono weftigaasi iyada oo aan ilaa hada la ogayn waxyaabaha ay ka wada hadli doonaan balse dawlada shiinaha ayaa si weyn uga soo horjeeda xidhiidhka ay dhaawaan somaliland la samaysatay Taiwan.


Dawlada Shiinaha ayaa meel adag ka taagan xidhiidhka somaliland iyo Taiwan, socdaalka uu hargeysa ku yimid safiirka dawlada Beijing u fadhiya soomaaliya ayaana ku soo beegmaya wakhti uu dhawaan kulan la qaatay madaxweyne farmaajo kaas oo ay iskula qaateen inaanay sina u aqbalin faragelin lagu sameeyo wadamadooda shiinaha, iyaga oo si adag uga soo horjeeda madax banaanida somaliland iyo Taiwan.

Loading...
Loading...