Maamulka Puntland Oo Dawlada Federaalka Ah Uga Digay Mudo Korodhsi

0
Saturday August 01, 2020 - 18:37:13 in News by
  • Visits: 1381
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Puntland Oo Dawlada Federaalka Ah Uga Digay Mudo Korodhsi

    Maamulka Puntland Oo Dawlada Federaalka Ah Uga Digay Mudo Korodhsi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Puntland Oo Dawlada Federaalka Ah Uga Digay Mudo Korodhsi

Dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta ka digay in dowladda federalku sameysato muddo kororsi xilligan kala guurka ah oo dalku isku diyaarinayo sidii doorashooyin qaran loo qaban qaabin lahaa.

Wasiirka arrimaha gudaha ahna xubnaha Puntland u matalaya guddiga farsamo ee kasoo talo bixinta arrimaha doorashada, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dowladda markii waqtigeeda gabagabo yahay ay ku fekerto inay cimrigeeda sii dheeraysato.
Puntland - Wikipedia



"Afar sano ayaa dadka iyo dalka wax loo qaban waayay, markii xilka uu ka dhamaadayna inay yiraahdaan hanaloo kordhiyo, waa nasiib darro,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha Puntland.


Wasiir Dhabancad, ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federalka inay ka shaqeeyaan sidii dalka doorasho uga dhici lahayd.


Hadalkaan ayuu wasiirku sheegay xilli ay maanta Puntland u dabaal dagaysay sannad guuradii 22-aad ee kasoo wareegtay aas aaskeedii.
Loading...
Loading...