Muqdisho Iyo Gobolada Dalka Oo Maalintii 2-Aad Siweyn Looga Ciidayo

0
Saturday August 01, 2020 - 11:07:51 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 912
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho Iyo Gobolada Dalka Oo Maalintii 2-Aad Siweyn Looga Ciidayo

    Ciidda Carafo ama ciidul Adxa ayaa sannadkaan ku soo aadday iyadoo caalamka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidda Carafo ama ciidul Adxa ayaa sannadkaan ku soo aadday iyadoo caalamka




Maanta oo ah maalinta labaad ee Ciidul Adxaa waxaa si weyn looga ciidayaa Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka, waxaana magaalooyinka dalka ka socdo munaasabado waa weyn oo loogu dabaal degayo Ciidda.

 

Magaalooyinka Jowhar, Kismaayo, Baydhabo, Garoowe, Dhuusamareeb iyo deegaano kale oo dhowr oo ku yaalla dalka ayaa saaka si weyn looga dareemayaa dabaal degga maalinta labaad ee ciidul Adxa.

 

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa waxaa la soo buux dhaafiyay goobaha leyskugu yimaado sidda xeebta Liido, Xeebta Jasiira, Daljirka Dahsoon, Beerta Nabadda iyo beerta Daaru-salaam waxaana dadku ay isugu marxabeynayaan maalinta labaad ee ciidda.

 

Ciidda Carafo ama ciidul Adxa ayaa sannadkaan ku soo aadday iyadoo caalamka uu kala xirxiranyahay oo cudurka halista ah ee Covid-19 uu dalka ka jiro balse waxaa soo yaraanaya tirada dadka cudurka laga helo ee dalka jooga.


Loading...
Loading...