Xisbiga C/Raxmaan C/Shakuur Oo Ka Horyimid Xubno Ay Ansixiyeen Golaha Wasiirada

0
Saturday August 01, 2020 - 10:29:08 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1215
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga C/Raxmaan C/Shakuur Oo Ka Horyimid Xubno Ay Ansixiyeen Golaha Wasiirada

    Qoraalka Xisbiga Wadajir waxaa lagu sheegay in golaha xukuumaddii dhacday ee Ra'iisul wasaare Khayre

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraalka Xisbiga Wadajir waxaa lagu sheegay in golaha xukuumaddii dhacday ee Ra'iisul wasaare Khayre




War-saxaafadeed kasoo baxay Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sharci darro ku tilmaamay shuruucda ay Khamiistii lasoo dhaafay ansixiyeen golaha wasiirrada Soomaaliya oo aan heysan kalsoonidii baarlamaanka dalka.

 

Qoraalka Xisbiga Wadajir waxaa lagu sheegay in golaha xukuumaddii dhacday ee Ra’iisul wasaare Khayre aysan wax sharciyada u heysan inay ansixiyaan shuruuc, maadaama aysan haysan kalsoonidii golaha shacabka oo 25-kii July kala laabtay.

 

Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa kulankoodii Khamiis-laha ahaa 30-kii Julay ku ansixiyey Golaha Adeega Garsoorka iyo hay’adda Batroolka Soomaaliya.

 

Si lamid ah Xisbiga Wadajir, ururada Bulshada Rayidka ah ayaa sharci darro ku tilmaamay ansixintaas, waxayna talo ahaan u soo jeediyeen in soo macaabista golaha Adeegga Garsoorka iyohey’adda Batroolka dalka lagu sugo xukuumad cusub oo kalsooni ka heysata baarlamaanka Soomaaliya.

 


Loading...
Loading...