Saldhiga Military Ee Berbera Masar Hore Ayey Samaysatay
Imika Laisweydiin Maayo Kaa, Istimaalkii Baa Laga Wada Hadlay.
Badi siyaasadda shacabada lagu ķhaweysiiyo iyo arimaha dhabta ah ee
xukuumadaha iyo Maamuladu faraha kula jiraan aad bay u kala fog yihiin,
wadamada qaarkood oo SOMALILAND ka mid tahay shacabka waxba la iskaga
tiriyo waayo ka falcelin arimaha socda malaha iyo fahankooda markaa
garaad siyaasadeed oo ay Xukuumadda ku hor istaagayaan malaha waana
iska qabaail qaybqaybsan si macno dariya wadankana waaba lagu dul iibin
karaa xaalkeenana Farah Nuur baa hore u sii sheegay oo yidhi WAA
DUNI
AKHYAARTII LAHAYD IIB KU DOONTAHAY
WAA DUNI LAKALA IIBSADOON NALA OGAYSIINE.
WAA DUNI HABLIHII LAGU OGAA AQALKII DIIDEEN
WAA DUNI KUWII LOO IGMADAY AQALO SIISTEENE
WAA DUNI ODOYO IYO GUURTI GAALO U ADEEGTO
WAA DUNI UMADO KALE SHEEGTA OOD AABOOD GARANE
OO HADANA ARXANKII KA TEGAY OON KUBA AGJOOGAYNE
WAA DUNI IBLAYS DOOLAR U LUXAY AAKHIRANA SEEGAY.
Siyaasadda SOMALILAND ee khaarajiga waxaa lumiyey oo iibsaday
Kulmiyihii hore Markuu Kooxda Yemen la dagaalamaya uu Saldhigga iyo
Dekedda uu siiyey isagoo Ethiopia meesha ka saaray oo Cadawgeedii Masar
la saftay Saldhigga Military ee Berbera laga Sameeyey Masar iyo
Sucuudiguba waxbay ku lahaayeen imika la isa siinmaayo ee wejigii labaad
ee Isticmaalkiisa ayey Masar kala Xaajoonaysay XUKUUMADDA Muse Biixi oo
isagu wixii lacag iyo Hubba lagu siinayo samaynaya mar kasta, waana
labada shay ee Muse Biixi rumaysan yey noloshiisaba. MASAR BERI BAY
SOMALIDA OO DHAN MUHIIM U AHAAN JIRTAY LAAKIIN IMIKA WAQTIGAASI WAA
DHAMMAADAY WAX MUHIIMA OO SOMALILAND UGU JIRA MASAR MA JIRO LAAKIIN
ETHIOPIA WAA LAF DHABARTA SOMALILAND XUKUUMADDA SOMALILAND EE MAANTA
JIRTAANA TAA MA FAHANSANA EE LACAG UUN BAY DAYDAYEYSAA ETHIOPIA ARINKAA
SI TALAABO TALAABO AH BAY ULA SOCOTAA.
SOMALILAND horuunarkeedu wuxuu ku xidhanyey inay hesho Electric power
Warshadaa iyo beeruhu isticmaalaan waana ka ugu dhaw Hydro-electric
power ka Ethiopia samaysay oo inagu soo gaadhidoona si FUDUD FUDUD
laakiin Masar Electric power ma siin kartaa SOMALILAND WAA MAYA.
ETHIOPIA WEY KA HADASHAY TODOBAADKII HORE IYADOO SI TOOSA UGU
HANJABTAY SOMALILAND OO TIDHI U DULQAADAN MAYNO IN MANDAQADAYA DAGAAL
LAGA DHIGO SIDA YEMEN IYO LIBYA.
Ethiopia Military base bay ku dhawaaqday inay Amizon uga samaynayso
Jigjiga laakiin waxay samaynaysaa CIIDAMADA ka hortegi doona Isbahaysiga
Masar iyo saaxiibadeed hadduu bilawdo dagaalka la isku haysto biyaha
Webiga Niil. Inaga waxaa baddaa ina geliyey labadii Xukuumadood ee
Kulmiye ee lacag daydayga noqday oo ilaa maanta kala garan la Carabta
Masar,sucuudiga iyo Immaaraadku hogaamiyo iyo Ethiopia keebaa danta
SOMALILAND ku xidhantay si toosa oon maalin qudha la kala maarmi karin.
Dr. ABI AHMED WUU LA YAABBANYEY XUKUUMADDA MUSE BIIXI OO DAB KU
CIYAARAYSA SIDII CARRUUR BIYO BATALAQSANAYSA.
SOMALILAND shacab isku wadaniyad qalbigooda ku jiraa maanta kuma noola
shan Shay baa SOMALILAND nimaddii Mar lagu today qalbigii ummadda ka
saaray.
1- was Sidii loo galay Dooradii 2017kii ee Siilaanyo u boobay Muse
Biixi Musharaxnimadii Kulmiye, Gudoomiye nimadii Kulmiye iyo bookii
Wadani lagaga Shubtay Dooraahada ee Dabo-iyo-Kursi-aan-islahayn la isa
saaray.
2- waa Dagaalkii Ceelafweyne Xukuumaddii Siilaanyo ka waday ee dadka badani ku dhintay weliba sii qiiqaya.
3 - waa shacabka la qaybqaybiyey ee Maanta kala qoqoban een waxba kala iibsan.
4- waa Xukuumadda biyo-dhacday ee QOYS qudha lagu Cabbeeyey
Institutions kii ummadda u addeegi lahaa oo Malfunctions ku dhacay
maanta.
5- waa Siyaasadda Debedda ee cidla sabaynaysa ee qaladbacadeed baa
dhacay dadka war uga dhigaysa wixii ay dawladaa ku wada hadleen oo aan
run laga sheegaynin.
M BASHE
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...