Dad Cabay Dawada Gacmaha Lagu Nadiifiyo Oo Geeriyooday
Ugu yaraan 10 qof ayaa geeriyootay kadib markii ay
cabeen walxo ka sameysan dawada jeermiska disha ee loo isticmaalo gacmaha.
Arrintaan
ayaa timid kadib markii la xiray dukaamadii tuulo lagu iibinayay khamriga oo ku
taala gobalka Andhra Pradesh ee dalka Hindiya
Tuulada Kurichedu ayaa xayiraad la galiyay kadib markii laga helay kiisas badan oo la xiriira fayraska karona .
Taliyaha booliska deegaanka arrintu ka dhacday oo lagu magacaabo Siddharth Kaushal ayaa sheegay in dadka dhintay ay dawada jeermis dilaha ah ee lagu nadiifiyo gacmaha ku dareen biyo iyo cabitaano fudud.
Waxyaabaha dadku cabeen oo ka samaysn dhowr nooc oo ah waxyaabo la isku daray ayaa dadku bilaabeen in ay cabaan toban maalmood ka hor.
"Waxaan baaraynaa bal in nadiifiyaha ay ku jiraan walxo kale oo sun ah," ayuu yiri Mr Kaushal oo warbaahinta la hadlayay.
Wuxuu intaasi ku daray in baaritaano la xiriira dawadaan loo diray dadka ku takhasusay waxyaabaha kiimikada si looga sal gaaro waxa ay dhabtu tahay .
"Qaar ka mid ah dadka la qabatimay isticmaalka khamriga ayaa markii ay gacmaha marsadaan dawada jeermis-dilaha ah ku mirqaama waxaa sidaas wakaalada wararka ee Reuters u sheegay Siddharth Kaushal.
"Khamriga lama heli karo sababtoo ah xayiraad ayaa lagu jiraa balse daawada gacmaha lagu nadiifiyo ee jeermiska disha waa fududahay sida lagu helo"ayuu Mr Kaushal.
Dowladda
federaalka ah ee dalka Hindiya ayaa dib u furtay ganacsiyada badankood si looga
hortago dhaqaale burbur dalka ku yimaada.
Toddobaadkan horaantiisii waxaa la shaaciyey in machadyada jimcsiga loo yaqaano Yogada iyo goobaha lagu ciyaaro loo ogolaan doono in dib loo furo, isla markaana xayiraadaha laga qaadi doono dhaqdhaqaaqa alaabada iyo dadka.
Si kastaba ha noqotee, gobollo badan ayaa waxaa sii saarnaan doona xayiraadaha meelo gaar ah maadaama kiisaska cudurka ay soo badanayaan qaybo ka mid ah dalkaas.
Kiisaska
la xaqiijiyey ee cudurka Covid-19 ee gobalka Andhra Pradesh, oo ku yaal
koonfurta Hindiya,ayaa aad sare ugu kacay marka loo eego kiisaskii cudurka ee
bishii la soo dhaafay.
Dhanka
kale, Hindiya ayaa diiwaan gelisay in ka badan 55,000 oo ah kiisas cusub
wadanka oo idil kuwaas oo la soo wariyay 24-kii saac ee la soo dhaafay.
Tirada dhimashada ayaa iyana kor u kacday oo gaartay 779 kun oo oqf taas oo wadarta guud ka dhigaysa 35,700 oo qof.
BBC