Xubno Ka Madax Banaan Dawlada Soomaaliya Oo Loo Ansixiyey Inay Ka Mid Noqdaan Golaha Adeega Garsoorka

0
Friday July 31, 2020 - 18:01:56 in News by
  • Visits: 1433
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xubno Ka Madax Banaan Dawlada Soomaaliya Oo Loo Ansixiyey Inay Ka Mid Noqdaan Golaha Adeega Garsoorka

    Xubno Ka Madax Banaan Dawlada Soomaaliya Oo Loo Ansixiyey Inay Ka Mid Noqdaan Golaha Adeega Garsoorka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xubno Ka Madax Banaan Dawlada Soomaaliya Oo Loo Ansixiyey Inay Ka Mid Noqdaan Golaha Adeega Garsoorka


Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa meelmarisay xubno ka madax banaan dawlada oo ka mid noqonaya golaha adeega garsoorka.




Shir ay yeesheen golaha wasiirrada dawlada  federaalka Soomaaliya ayaa lagu meel mariyay shanta xubnood ee ka madax banaan xukuumada kuwaas oo ka mid noqonaya waaxda adeegga garsoorka dalka.


Xubnaha goluhu ansixiyay ayaa kala ah Cabdulqaadir Sheekh Ismaaciil Aw-xaashi, Cali Maxamuud Xasan (Sheekh Cali Wajiis), Cabdullaahi Cali CIsmaan, Cabdiraxmaan Maxamed Axmed (Cadaani) iyo Ifraax Maxamuud Cumar.


shirka oo uu guddoomiyay sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sidoo kale lagu ansixiyay sideed xubnood oo kamid ah 9-ka Xubnood ee Maamulka Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed.


Xubnaha maamulka Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed ee goluhu meel mariyay ayaa kala ah: Ibraahim Cali Xuseen (Guddoomiye), Caa’isho Cusmaan Axmed (Guddoomiye ku-xigeen), Ibraahim Axmed Leyte (Xubin), Cabdulqaadir Aadan Maxamuud (Xubin), Ibraahim Cabdulqaadir Maxamed, (Xubin), Axmed Xaaji Cabdi (Xubin), Cabdixaafid Cali Dirir (Xubin) iyo Mahad Maxamed Sh. Xasan (Xubin).

Loading...
Loading...