Masuul Cusub Oo Iska Casilay Xafiiska Raysal Wasaaraha Soomaaliya Iyo Sababta Oo Uu Soo Bandhigay
Muqdisho(HWN):-Agaasimihii warfaafinta iyo xidhiidhka dadweynaha ee xafiiska raysal wasaaraha soomaaliya Cali Nuur Salaad ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu hayey.
war uu soo saaray ayuu agaasime Cali Nuur ku faah faahiyey sababaha keenay is casilaadiisa isaga oo xusay in madaxtooyadu bilawday qorshe lagu ugaadhsanayo shakhsiyaadkii ka ag dhawaa raysal wasaarihii xilka laga qaaday Xasan Cali Khayre.
agaasime Cali Nuur ayaa warka uu soo saaray waxa u u dhignaa sidan:-
Xafiiska RW ayaa waxaa ka socda olole xididada loogu siibayo shaqsiyaadkii ku dhowaa Raisul-wasaarihii xilka laga qaaday Xasan Cali Khayre, waxaana ololahaas horboodaya xafiiska Madaxweynaha sida ay ku waramayaan ilo wareedyo ku dhow Villa Somalia.
Ku-xigeenkii hore ee agaasimaha Madaxtooyada C/risaaq Caato ayaa loo magacaabay si KMG Xoghayaha Joogtada Xafiisa Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo xilka laga qaaday xoghayihii hore oo si weyn ugu dhowaa Khayre.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in Xafiiska Warfaafinta Ra’iisul Wasaaraha lagu biiriyo kan Madaxtooyada, si loola socdo dhaqdhaqaaqa Ra’iisul Wasaaraha cusub iyo howlaha uu qabanayo, xafiiskiisana loo hoos geeyo kan Madaxweynaha.