Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Oo Umadda Islaamka Ugu Hanbalyeeyey Munaasibada Munaasibada Ciidul Adxa 1441 (Hijiriyada) Awgeed

0
Friday July 31, 2020 - 17:01:36 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 791
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Oo Umadda Islaamka Ugu Hanbalyeeyey Munaasibada Munaasibada Ciidul Adxa 1441 (Hijiriyada) Awgeed

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.


Gudoomiyaha Jimciyada Waxbarashada Diinta iyo Qaban-qaabinta Xafladaha iyo Xusaska Diiniga Ah (Jimciyatul Axbaab ) Sayid Muxamed Sayid Cabdilaahi Xaaji Cilmi Nuur ayaa waxa uu Hambalyo u direy Bulshada Reer Somaliland iyo Guud ahaanba Muslimiinta Caalamka Munaasibada Ciidul Adxa-da awgeed



Gudoomiyuhu isagoo arimahaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi ā€¯Anigoo ku Hadlaaya Magacayga iyo ka Haayada Waxbarashada Diinta iyo Qaban-qaabinta Xafladaha iyo Xusaska Diiniga Ah (Jimciyatul Axbaab ) waxa aan hambalyo iyo bogaadin balaadhan u dirayaa dhamaanba Shacabka reer Somaliland iyo guud ahaanba umadda Islaamka ahi meel kasta oo ay joogaanba munaasibada Ciidal Fidrida awgeed,Ciid Mubaarak,Ciidal Caafiya,Kullu Caam,Wa Antum,Bil Khayr. waxaa sida oo kale uu Illaahay uga baryeyaa dhamaanba shacabka reer Somaliland in ay Sanadka,Sanadkiisa ay bash-bash,barwaaqo iyo caafimaad qab ay ku gaadhaan,Inta Xanuunsanaysa ee jiiftana uu Illaahay uga baryeyaa in uu Xanuunka ka dulqaado,Caafimaadna siiyo,Sida oo kalena intii dhimatayna Alleh u danbi dhaafo una naxariisto.


Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab ayaa sidoo kale waxa uu bulshada reer Somaliland usoo-jeediyey inay Alla-baryaan oo ka ducaystaan xanuunadan sida daran u faafaaya ee dhamaan-ba dunidii dhibaatada baahsan ku haya, Isagoo isla markaasina ku adkeeyey inay ducada iyo Alla Bariga badiyaan, joogteeyaana.


Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Sayid Muxamed Sayid Cabdilaahi Xaaji Cilmi ayaa gabagabadii waxa uu bulshada Somaliland ku adkeeyey inay u midoobaan isla markaasina meel uga soo wada jeestaan Adkaynta iyo ilaalinta nabadgalyada iyo waxkasta oo wiiqaya midnimada Qaran-nimada Somaliland,


Dhanka kale Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Sayid Muxamed Sayid Cabdilaahi Xaaji Cilmi waxa uu bulshada Somaliland ilaahay uga baryey in ilaahay quluubtooda mideeyo, Xanuunada, Sixir bararka iyo dhamaan dhibaatooyinka bulsho ee ay ka cabanayaana alle si degdega uga dulqaado
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...