Hal-Abuur Qoraa Xamse Riiraash Oo Mmunaasibda Ciida Hanbaliyo UDiraya Somaliland Iyo Muslimkaba.
W/Q: Hamse Riiraash
Sida aan ognahay waxa aynu ku jirnay tobbankii danbe ee ugu khayrka
badnayd bisha dilxija,tobbankaasi oo lagu xusay suurada eebbe ee
al-fajri .
Bisha tan gaar ahaan tobbankeeda danbeayaa ah bil cibaado laguna
guto waajib ka mida ah waajibaadka arkaanka islaamka shanta ah,taasi oo
ah guddashada acmasha xajka.
Ciiddan oo lagu magaacabo odxiya ayaa ah ciid aad loo qasho,amaba loo
gawraco adhi, geel, iyo wax kastoo ka mida nicmoolayda, taasi oo afka
carbeed loogu yeedho bahiimada ancaam.
Tan oo qisadeeduna aad qoto dheertahay kana soo bilaamayso dhisadii
kacbada, iyo qisadii imtixaanka ahayd ee dhex maraysay wiil iyo aabihii
waa nabi ibrahamkii ku noolaan jiray ardul baabilkii iyo wiilkiisii
ismaciil.
Kadib markii uu nabiyulaah ibraahim arkay riyo;,taas oo ahayd
aragtidii sheeko uulla yaabay oo faraysay in uu gawraco wiilkiisa
ismaacil!!!! goortii uu u sheegay ibraham ismaaciil,,,,nabiyulaah
ismaaciilna kumuu soo cellinin jawaab u muuqatay diidmo toona wuxuuse
ku qanciyay ismacil ibrahiim in wax kastoo nabi ibrahim eebbe faray u
ilaah xikmad ka leeeyahay una diyaar yahay in uu u hoggaamsamo.
Isla jeerkiiba alla ku furanayaa ismaciil wan weyn halkaasna waa
halkay ka timi odxiya iyo ciiddabn dar alle loo gawracaayo xoolaha.
Haddaba ummadda islaamka gaar ahaan dalkaygayga reer somaliland iyo
walaalaheena jaarkeena ee soomaaliyana farxadbaan u wada rajeynayaa.
Somalilandtaydana alla ha u siyaadiyo nicmada nabada khayrka iyo xasiloonada qaadir weyne uu ku manatstay.
W/Q: Hamse Riiraash
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...