Madaxweyne Biixi Ma Hantiwadaagii Laga Guuray Buu Dib Ugu Noqday
Nidaamkii
fashilmay ee Hantiwadaagga waxa lagu yaqaanay dawlad ganacsata oo
meherado ganacsi oo guud (public enterprises) leh, sharciyada ganacsiga
oo ay ku jiraan ascaarta alaabtuna iyadu dejisa. Taasi waxay horseeday
musuqmaasuq baahsan iyo fadhiidnimo. Ugu dambayntii haydahaa ganacsi
waxay la degeen dhaqaaalhii dalka maadama ay khasab noqotay in sannad
walba kab miisaaniyadeed loo sameeyo, halkii haddii ay gacanta dadka ku
jiri lahaayeen ay canshuur badan soo xareyn lahaayeen.. Waddamadii
tuuray nidaamkii hnatiwadaaggu waxay markiiba bilaabeen privatization ay
haydihii ganacsi ee dalwadda ku wareejiyaan qaybat gaarka loo leeyhay
taasoo dardar gelisay koboc dhaqaale oo xooggan.
Xisbiga
Kulmiye waxa xuddun u ahayd siyaasadiisa dhaqaalaha u ahayd
dhiirigelinta iyo kobcinta ganacsiga gaarka (private sector), lagana
ilaaliyo sharciyada badan ee xannibi kara kobiciisa. Iyadaa taa laga
duuliyo, waxa markii xisbiga Kuliye la doortayba uu bilaabay
privatizationka haydahii ganacsi ee dawladiihii hore lahaayeen kuwaas oo
qaarkood ay fadhiyeen iyadoo markiiba dalka laga dareeamy kor iu kac
dhaqaalae iyo koboc miisanayadeed.
Intii
uu madaxweyne Muse Biixi talada dalka qabtay waxay u eegtahay in dib
loogu noqday hantiwadaaggii shaqayn waayey. Waxay dawladdu bilowday
nationalization ay dunida ugu dambeysay soddon sano ka hor. Waxa dib
loo qarameeyey haamihii shidaalka, Hargiesa club, daabacaadii
documentsyada qaar. Wiigan ugu dambeeyey waxa la nationalise gareeyey
warshadiihii laydhka ee Berbera iyo Hargeysa iyo weliba kaaga sii darane
kaalin shidaal. Waxa kaloo iska daba yimi sharciyo iyo wareegtooyin
caqabad ku ah ganacsiga xorta ah oo ay ugu dambeeysey wareegto uu
dhowaan wasiirka ganacsigu soo saaray oo ku amrayo shirkadaha soo dejiya
shidaalku inay marka hore isaga ruqsad shidaal soo dejin ah ka
qaataan. Waa aniga isoo sallaama oon geed loogu soo gaban.
Ma cadda in xisbiga Kulmiye siyaasadisii dhaqaalaha beddelay iyo in madaxweynaha ama qaar ka mid ah la taliyeyaashiisu ay weli garan la’ yihiin in nidaamkii ganacsi ee dawladdu hagaysay waa hore dunidu ka guurtay. Ethiopia ayaa hadda privatize garaynaysa Ethiopian Airlines iyo telecom. Marar badan ayaad arkaysaa dad TVyada ka hadlaya oo leh waxaas iyo waxaas waa in gacanta dawladda lagu soo celiyaa (nationalization). Markaad dadkaasi u sii dhabo gashona waxaad ogaanaysaa inay yhiin dad aad u da’ weyn oo intooda badani wax ku soo barteen waddamadii Hantiwadaag ahaa halka kuwo kalena ay dawladba ka arkeen nidaamkii Somaliya ka jiray ee dawladdu wax walba gacanta ku haysay. Mana aha wax lala yaabo inay sidaa u hadlaan maadaama waxa keli ah ee ay garanayaan uu yahay nidaamkaas burburay. Waxase wax lala yaabo ah dawlad xilligan la joogo dib ugu noqonaysa nidaam fishilmay oo burbur laga dhaxlay Haddii sidan laguu sii wado waxay horseedi doontaa ganacsiga gaarka ah oo hoos u dhaca iyo dhaqaale burbur daba socda. Durba waad dareemaysaa in ganacsigii gaarka ahaa hoos u sii socdo, miisaanayaddii dawladuna sii yaraanayso.
Madaxweyne
Muse Biixi waxa la gudboon inuu arrintan ku baraarugo. Madaxweynuhu
inkastoo aanu ahayn dhaqaaleyahan haddana waxa looga baahan yahay inuu
yaqiinsado isbedelka dunida ka dhacay dibna ugu noqdo siyaasaddi
dhaqaalle ee Kulmiye ee lagu doortay. Marka xigtana waa inuu bedelaa la
taliyeyaashiisan u badan nimanka hawlgabka ah ee maskaxdu gudhay kuna
beddelaa dhallinyaro la jaanqaadi karta nidaamka cusub ee dhaqaalaha
dunida. Wasaarada ganacsiguna waa inay isku koobtaa dejinta siyaasad
dhiiri gelinaysaa ganacsiga xorta ah, kana waantowdaa faragelin kasta oo
caqabad ku noqon karta geeddi socodkiisa. Qofka ganacsada ahi isagaa
yaqaana sida iyo goorta uu ganacsigiisu macaashka samayn karo, maaha
inay dawladu u sheegto.
W/Q: Abokor Baaruud
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!