Maantana Ma Waxad u Jabi Kuwii Ku Rogay (Abdi-Shotaly)

0
Friday July 31, 2020 - 16:41:41 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 993
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maantana Ma Waxad u Jabi Kuwii Ku Rogay (Abdi-Shotaly)

    Abdi-shotaly,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abdi-shotaly,


Inkasta oo ayna suuro gal ahayn, doorasho la qabtaa nooc ay tahay-ba, mid deegaan iyo ta xildhi-baano ku sheeg-yadda loo yaqaano Golaha wakiiladda, oo aanay wakti-ba loo haynin, sanad-kiina uu gabaabsi yahay sabab-tuna tahay, waxa hadhay-ba waa shan bilood oo qudha, mudadaas-na mid laga gaadhsiin karo maaha mid, arimaha meesha yaala, ee waa khiyaaligii askariga kala wareegsan ee " Raggii ma adigaa ka hadha" iyo kuwa ah tuugta ee ay ku shuraake yihiin boobka hantidda ummadda, taas oo ah maaweeladdii iyo beentii askarigu uu jahailka " Xaafad-tooyadu" ku maaweelin jirey ummadda, isaga oo ku maala magacyo aanu meela u soo marin sidda " Mujaahid" oo been la dhadhabay ah, meel uu xabad ka riday-na aan sheeko iyo shaahid mid-na lagu haynin, bal waxan idin soo hor dhigayaa, kooxi-hiisii uu makara-foonka u soo dhiibi jirey, intay u kala baxaan, kuwaas oo hadda idinku soo maqan, si ay karkaarka mar kale kaaga tuuraan, waa inta lagu shaqaysto ee uu cad-quudheedka u tuuro'e, kuwa suuqa lagu soo saydhayo maal-maha soo socdda, beenta u faafinayaa, ee bal iyaka oo aan soo koobay cidda ay yihiin iyo waxa loo soo dirtay, ku leh maantana way kan oo ku hor imi, waxad kala kulan-taba, iga hooya waa kuwane.



Durbaankasaaka la doonaayo in laguu qaraaco iyo qaylada cumaama-dahamadaxa loogu soo duubtay, beer laxawsiga, hadalada macaan, kan baa dantaa wada iyo kala boobka laguu soo kala bereta-maayo, dhiilada iyo dhalaan hababista lala soogan yahay, jacaylka laguu qabo maanta iyo isu soo baxayda, ceel malab ah baan kuu hayaa iyo is wanaajinta lala tuban yahay dariiq-yadda, khudbadaha dhiigu da'aayo, ee geed sare waabka ah, marmar-siiyaha iyo is hafarka, tii hore i dhaaftaye, mar kale baan wax kuu tarayaadda maxaa keenay saaka?waad og-tahay waxad ka ahyso'e, kuwa kula hor taagan hadaladda qiirada leh, ee ka qalaalan hoosta, hore-na kuu soo maray, ogayd-na waxa ay ku danbayee-yeen, ee aad faraha madhan ka joogtid, yaan lagugu khawaysiin, hadaad tihiin ummadda Reer Somaliland! sideedaba-na kala baro oo si hufan u deris, waxa aad rabto kuwa kuu qabanaaya iyo kuwa kaa doonaaya waxa ay qafaashaan, maaha wax aad si yar u dhayalsan karto, ogaw-na oo la soco dadku waa dhawr nooc hadda kugu soo dareerayaa, dar baa miskiin seef-layaal ah, oo hoosta kaa jaraya, qaar baa ah dhuxul dambas huwan, kuwo kale baa iyana la moodaa biyo ma daadsha-yaal laakiin aba-guri hoosta ku haysta, nooc baa oogada ka xariir ah, oo ay urgumadu ugu aasan tahay micida, raabo kale baa jirta, oo iyana u abuuran in ay wax canda-dawlaan, oo qas iyo qalaanqal uun loo soo dirtay in ays ameeyaan, in baa dusha kaa hagaagsan oo laciimiin ah, kooxo baa jira kugu khaldaaya kitaab, oo boqnaha kugu jaraaya, in baa dhuunta wax ka arka oo mabda'oodu yahay wax loo dhiibo oo keli ah, si ay u soo xero geliyaan dad. af-miishaar aan wax ka xishoon, mid reer hebel baa aynu isku nahay, raba in uu kaaga leeexiyo danta guud iyo kuwa daacadda kuu ah. intaas oo dhan baa is barbar yaacaaya, oo u maleegan siddii laguugu tuuri lahaa haadaan, laguuugu tala galay, oo mid-ba uu dhinaciisa u ordayaa, marka aad la kulanto-na aad moodaysaa qof nasteexo kuu sheegaaya, ha yeeshee ka dhab maaha, ee waa yaan lagugu garan balaayaddauu wado, oo uu kuu hadoodi-laayo si uu fursad kuugu helo, qab kuugu dhigo muruq-yadda bawdadda ku kala gooysa, hadaba waxan uga jeedaa, maalmaha soo socdda waxa si cadaan ah xakamaha looga jarayaa, sheeko ah anaa daacad ah ee ii food, hadda waa kuwii dalka iyo dadka halkaas dhigay, inlagugu hurgufobeentii la rabay in xawda lagaaga jaro, oo la iskaa kaba raaciyo, shanta fagaxa baa cagaha wax laga deyey, qolooyinka kala gedisan ee aan kor ku carabaabay-na, waa wakhtiggii ay ku talo galeen, laguuna soo tafa xaytay, siddii ay kaaga heli lahaayeen ujeedoo-yinka iyaka u gaarka ah, iyada oo laguu sheegaayo wax baan kuu qabanaynaa, taas oo hore-ba looga waayey, waxa ay la koodhaadha-yaan kuwa ina hor boodayaa.


"Geel duq baa loo tumaaye", Waxa sooceliyey in ay ku hor yimaadaan kuwii aad eeday, ee kaa reebay qayrkaa iyo qayr xigeen-kaaba, ma is weydiisay waxay tahay? Micnuhu maaha doorashada'e, ee waa lagu gasaan-gasayaa,waxay tahay oo kuu keenay in ay ku baryaan, ha moodin wax kale ee waxa dhamaaday ayaamihii ay lahaayeen, oo habeenkan caawa ah adiga baa ka diig ah ( ka foodaaya marka aad tahay shicibkaw) inta foodka lagaa helaayo in aad siiso, oo lagu hoos joogaa, waa inta ay warqadu ku jirto gacan-taada'e, waxa-waxaas loo samayna-yaana, waa siddii lagaaga saxeexi lahaa siday rabaan, inta ay dhun-dhunka ku qabtaan, lagaa hir gashado in aad u meel mariso toodda, dabeed cidla lagaaga dhaqaaqo ummad yahay, waa ayaan-taad idinku lahay-deen, ee aad ka saray-seen kuwo aynu la wadda socono waxa ay yihiin, sidaas awgeed waxa muhiim ah, in aad ka fiirsato beenta laguu biirinaayey, oo aad ka takhalus-taan, dhamaan wakiilo iyo deegaan ku sheega, wax ay cunaan mooyee aan naf kale lahayn, oo qaar kale oo idiin daacad ah aad soo saartaan, Ma carfaaye ( Ka dawladda Hoose ee Hargeysa ku hor kaaja, Maraanka Burco, Cidinka Berbera, oo dhamaan awr kiraalayaal aad taqaanid ah iyo dhul boob baad dib u soo dooran doontaan? Waa in aad qaadaa-dhig-taan, ereyada la idinku maalaayo, oo wax ka danbeeyaa aanay jirin, Xusbi walba waa in aad gaar ula xisaab-tantaan, oo eeg-taan dhul dhacoodda, kuwii hore oo halka ay ina dhigeen, aanay cidna ka qarsoon-nayn, baa maantana kuu cumaamadan, waxa la isla daba wareegayaa bal dhuuxa, waxa kale maaha ee waa wixii u caadaddia ahaa Askariga waalan ee uu hore ugu caano maalay, maanta-se soconmayso hebel waa sidaas, kuwa sare ku yaalaa ee idinku soo maqani, miyaad haysaan mid ka hadlaaya adeeg-yadda ummadda iyo baahidda dan yarta haysta? Ayaan daradda inagu habsatay, oo aynu kuligeen, mid-na aanu eegayn danta Somaliland iyo dad-keedda, ee nin jeclaysi iyo Reer Hebel baan wax ku dooranaa, hadhaw-na goor xeedho iyo fandhaal kala dhaceen, seeftii kugu dhacday ( Sidda imika Ku haysata), baad cabaad la soo jeesato, waa-se goorma-goorta, aad siddii xuunshadda aad wax ogaanaysaa? Inaka baa ka mansuul ah, oo nina kama dedna taasi, waana ay ina soo mareen, laga bilaabo ku dhawaaqiddii somaliland 18/05/1991-kii, markaas waxa ay imika la imanayaan, ama ay hayaan ma cid baa awel ka hor joogtay, mise dib baa loo abuuray oo maaha-ba kuwa aan sheegayno akhristaw adaan kuu dhiibaye?


"Hadal waa run kama rayste", maaha in qiiq iyo ciiro la inoo dhex galo, oo kolba sida jirji-roolaha, la isu ekaysiiyo marxaladda la inaku khaldaayo, wax aan sal iyo baar mid-na aan lahayn laguu akhriyo, wax aad ka soo gun iyo bar wareegtay, oo wax ka soo naasao cad, iyo rajo laga sugo, aad ka soo inaab-satay, kuwii u ahaa taayiradu-na ay weli kugu so mutuxan yihiin, miyey kula tahay, in aad maanta-na ku dan seegto? waa kuu dadnimo xumo iyo cidhib la'aan lagugu ogaaday, waana ta ay kolba kuugu soo hiila-yaan, ee ay kaaga quusan waayeen, ilayn waxay og-yihiin in ay kaa jibo keena-yaane, hadaba waxan ku soo xidhay maqaalkan, oo aan qoofalka ugu giijiyey, dan-taadu waxay ku jirtaa, adiga oo tijaabiya kuwa kale, wixii kuu daacad ah, ee dadka iyo dalka aan hore u liqin, curyaamin, kuwa maalin kasta Dhuuxa iyo lafta, ku jebi-naaya, ee misana sidda maska, oogadda xariir ka dhigaaya, waabay-na kugusoo dayn doona, marka aad kursiga geyso, sidda maamulka hadda jooga ee asakriga madaxa ka xanuun-sanaaya ee wax uu yahay jirin, dabeed-na ku yidhi cirka soo leef, saw in aad ka baydho oo aad qun yar socod, aanad denbi u tirinayn, oo aan tuug iyo beenaale reer hebel mid-na ahayn siiyo cod-kaaga maaha? Maxay hayaan kuwa haadka iyo eega-tadda kuu wadhay? Ma adiga bay naf ku gelina-yaan? Ha ka soo qaylin aakhiro, mar iilka si wacan laguu leekay-siiyo. hadda adiga baa ka adag, ee dhul dhacaaga hubso, oo sii foodka qaar wax ku taraaya, ama halkii lagu qaban jirey, ee kursi doon dhaameelka kuu dhigi jirey, maantana mar, oo melegaa ha galo.


* N.B Duli Aan Alle Ku Badin Adigu Ha Is Badin.

Abdi-shotaly,

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...