Nidaamkii Afweyniyo Injibaa Ku Fiicnayd,Tijaartaa Arliga Gubay.
BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (A.C.W.R.B)
WAXAN SALAAN KHAASA U SOO DIRAYAA,
BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHEEDA
UMADEENI KUWAN DHIBAY,ALLAHEN KA BAQANEYN,
URURSANAAYA NAARTEE,AFKIINA UU BALAADHEEN,
ALLAMSOO LIQ MOOYEEN,DANYARTOODAN EEGAYN,
AGABKA IYO IJAASADA,INTABA MAAD KA QAADAAN,
TUSTAANO ITAALKOOD,AADNA LOOGU FIIRSADO,
{NIDAAMKII AFWEYNIYO,INJIBAA KU FIICNAYD}.
ARXAN GOYSYO WEEYE,U SOO XIDHA ALBAABADA,
SIXIR BARARKAN AFADA,ARLADII KU BAAHEEN,
OONTII LA JARAHAYN,IYAGUUNBA ABUURAYE,
ISGAARSIINTA MOOYE,INTA BADAN TIJAARTIYO,
UMA BOGIN DADWEYNI,URURADA DABKAW DARAN.
{NIDAAMKII AFWEYNIYO,INJIBAA KU FIICNAYD}.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!