Ayax Ku Habsaday Beerihii Deegaanka Jalleelo Iyo Fariin Culus Oo Loo Soo Diray Wasiir Axmed Muumin Seed

0
Friday July 31, 2020 - 11:47:21 in News by
  • Visits: 1268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ayax Ku Habsaday Beerihii Deegaanka Jalleelo Iyo Fariin Culus Oo Loo Soo Diray Wasiir Axmed Muumin Seed

    Ayax Ku Habsaday Beerihii Deegaanka Jalleelo Iyo Fariin Culus Oo Loo Soo Diray Wasiir Axmed Muumin Seed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ayax Ku Habsaday Beerihii Deegaanka Jalleelo Iyo Fariin Culus Oo Loo Soo Diray Wasiir Axmed Muumin Seed


Hargeysa(HWN):-Beeralayda deeganka Jalleelo ee duleedka Magaalada Hargeysa, ayaa cabasho xoogan ka muujiyey ayax faro baas ku haya halkaas, kaasi oo xaalufiyey dalag-yo kale duwan, waxaanay ugu baaqeen Wasaaradda Beeraha Somaliland inay si deg deg ah ugu soo gurmato.

AYAX KU HABSADAY BARIGA SOMALILAND | Beeraha.net


Beeralayda iyo maamulka deegaankaas oo war-baahinta la haddlay, ayaa arrintaas cabasho xoogan ka muujiyey, waxaana Dowlada ka dalbadeen inay si deg deg ah ugu soo gurmato,"Magacaygu waa Geedi Axmed waxaan ahay guddoomiyaha Jalleelo Hakani waa Jalleelo oo ka tirsan degmada Laas-geel , saamaynta uu ayuxu u geystay halkan iyo dhibaatooyinka uu u geystay dadka halkan degan oo ah dad Beeralay ah,markaa boqolkiiba 90% waxay ku tiirsanayaan wax soo saarka beeraha , markaa dadkaa wuu barakciyey madaama oo ay beeraha wax kale soo bixi jireen oo ay nolashoodu ku tiirsanayd beeraha , markaa beerihiin ayax ayaa ku habsaday,iyada iyo nawaaxigeedaba ayax ballaadhan ayaa ku habsaday markaa wuu naafeeyey saracii geed weyntii wuu diirtay , geed gaabkii wuu madhiyey .”Ayuu yidhi.


Dhanka kalene qaar kamid ah Beeralayda oo iyana halkaas ka haddlay ayaa waxa kamid ahaa haddaladoodii" Waxaanu ka haddlaynaa ayaxan beeraha cunay ee dalagii la beerayey ee dadku manaafacsanayey dhammeeyey ee ka dhammeeyey beerihii , waxaanu leenahay Hay’addaha iyo Dowlada iyo wixii kale ee wax qaban karaaba , waxaanu leenahay Dowladu haddii ay wax ka qaban karayso ha soo gaadho degaanada uu ayaxu ku habsaday ee Jalleelo .”


Waxaanay intaas ku sii dareen "Waxyeeladan uu ayaxu u geystay waa wax-yeelo aad iyo aad u ballaadhan dhulkani waa dhul degaan ah oo dhul beereed ah , dadkuna boqolkiiba boqol waxay ku tiirsanayeen saraca Beeraha oo Geed gab iyo Geed weynba isugu jira ayey ku tiirsanayeen dadka nolashoodu, waxa ku fadhiistay oo ku habsaday ayax aad u tiro badan oo aan waxba kaga tegayn , calaantii markii uu madhiyey haddana waxa uu xagtay diirkii geedka midhihiina wuu cunay , dhibaatadaas aad iyo aad ayey u samaysay dadkii beeralayda ahaa , beerihii qaar badan ayaa shaqadi laga joojiyey oo shaqaalihii la fasaxay.”ayey sheegeen


Geesta kale waxay ugu baqaneen Wasiirka beeraha inuu si deg deg ah u soo gaadhsiiyo gurmadka la dagaalanka ayaxa,"Diyaarad ayaad soo dirteen oo marmaraysay halkan.diyaaradaas wax alle wax faa’iido ah oo ay u leedahay deegaanka iyo beeraha ma jirto,annagu midh ayax ah oo ay dishay maanu arrag, bahalkaas khasaare aad u ballaadhan ayuu deegaankii u geystay, Waxaanu halkan kale haddlaynaa Wasiirka Beeraha waxaanu leenahay Wasiir haddalkanu yaanu duul duul kugu noqonin iyo sheeko yar ee si deg deg ah noogu soo gurmo.”

Loading...
Loading...