"Muuse Biixi Waa Madaxweynihii Musuq Maasuqa, Waxaanu Neceb Yahay Cida Aan Isaga Ahayn Ee Wax Qaadata"

0
Friday July 31, 2020 - 11:44:54 in News by G. Good
  • Visits: 587
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Muuse Biixi Waa Madaxweynihii Musuq Maasuqa, Waxaanu Neceb Yahay Cida Aan Isaga Ahayn Ee Wax Qaadata"

    "Muuse Biixi Waa Madaxweynihii Musuq Maasuqa, Waxaanu Neceb Yahay Cida Aan Isaga Ahayn Ee Wax Qaadata"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Muuse Biixi Waa Madaxweynihii Musuq Maasuqa, Waxaanu Neceb Yahay Cida Aan Isaga Ahayn Ee Wax Qaadata"

Hargeysa(HWN):-Siyaasi Cismaan Axmed Maxamed "Abwaan kujire” oo ka mid ah saraakiisha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa Weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ku sifeeyay shaqsi jecel Musuq Maasuq islamarkaana aan dadka kale u ogolaan inay wax cunaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi ...
Lis Dairy


Abwaan kujire ayaa sidoo kale Weerar afka ah ku qaaday Xisbigii uu ka tirsanaan jiray ee Kulmiye waxaanu sheegay in Xisbiga Kulmiye lagu soo aasaasay Qabyaalad iyo is reeraysi balse uu imika noqday Guri cas laga guuray oo cidlo ah, waxa uu sheegay in Xisbiga Kulmiye Bulshadda dhaxalsiiyay oo ay bulshadu ka faa’iiday oo qudha Musuq maasuq iyo kala dambayn la’aan uu sheegay inay illaa maanta ina haysato.


Cismaan Kujire Oo Shalay Warbaahinta la hadlay isagoo Hargeysa ku sugan ayaa waxa uu yidhi oo hadaladiisii ka mid ahaa "Xisbiga KULMIYE maanta waa guri cas weeyaan,markii horena wuxuu ahaa Xisbi Qabyaalada ku macaashay,oo qabyaalad Meesha ku yimid,markii hore iyo marka dambeba ,waxaana laga macaashay musuq-maasuq,iyo kala-dambayn la’aan.”Ayuu yidhi.


Waxa kale oo uu yidhi "Maantana Madaxweynaha joogaa,waxaan odhan karaa Madaxweynuhu ma necba musuq-maasuqa, lakiin wuxuu neceb yahay wixii aan isaga ahayn ee wax qaata, ayuu neceb yahay,weynu la soconayaa maatida qaylinaysa iyo dadka qaylinaya ee Baloodhada laga qaadayo iyo kuwa guryaha loogu dhacayo, kuwa dhibaatada lagu hayo,weynu ognahay oo weynu la soconaa”. Ayuu yidhi siyaasigan xisbiga WADDANI ka tirsani isaga oo dhaliilayay xisbiga KULMIYE.


Loading...
Loading...