Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Dawga Sheekh Oo Xanibay Isku Socodk Gaadiidka Gobolada Somaliland.

0
Friday July 31, 2020 - 09:57:56 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2590
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Dawga Sheekh Oo Xanibay Isku Socodk Gaadiidka Gobolada Somaliland.

    "Lama oga sababta dhalisay Shilkan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Lama oga sababta dhalisay Shilkan"

Hargaysa (HWN) Gaadhi weyn oo nooca Xamuulka qaada ah, ayaa ku dhacay Dawga Buurta Sheikh ee ay marto wadada isku xidha Berbera iyo Burco, kaasoo ku qalibmay laamiga badhtamaha Buurta, meel loo yaqaano Xero daayeer oo figta Dawga ku beegan, sida uu sheegay Guddoomiyaha Degmada Sheikh.



Majiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay shilkan xalay ka dhacaday wadada sheikh,.

Gaadhigan oo siday Xamuul culus, kana yimi dhinaca Magaalada Berbera, ayaa shilku ku dhacay xilli ku beegan caawa Maqaariibtii, waxaana la sheegay in uu ka dhacay oo qayb kamida gaadhigu ka laalaado meel jar ah, halka qaybtiisa kalena xidhay labada haad ee wadada laamiga ah.


Jidka Shilku ka dhacay, ayaa ah kan qudha ee sida tooska ah isugu xidha Gobolada Somaliland ee bariga iyo Galbeedka, waxaanu halbowle u yahay guud ahaan isu socodka dadka iyo Ganacsiga ee dalka.


Lama oga sababta dhalisay Shilkan, hase yeeshee guddoomiyaha Degmada Ibraahim Cabdilaahi Cabsiiye oo khadka Telefoonka ugu waramay wariye ka tirsan Wargeyska Dawan, isagoo ku sugan magaalada Sheikh, ayaa ku tilmaamay shilkan mid aad u culus oo aan inta la xusuusto ka dhicin wadada Buurta dusheeda marta.


Guddoomiye Cabsiiye, ayaa intaasi ku daray in lagu howlan yahay sidii gaadhigaasi looga toosin lahaa wadada, si loo baneeyo jidka oo ay ku xaniban yihiin gaadiid iyo dad tiro badan oo ku gooshayey wadadaasi.


Waxa uu xaqiijiyey in Gawaadhi Wiish ah loo doonay Magaalada Berbera, kuna howlan yahay maamulka Gobolka Saaxil in la keeno Gawaadhi Wiish ah oo ay leedahay Shirkadda DPWORLD,

Waxa kale oo guddoomiyuhu sheegay in maamulka Gobolku la xidhiidhay Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka, taasoo dhankeedana gurmad laga sugayo.

Loading...
Loading...