Xukuumada Somaliland Oo Mamnuucday Bandhig Faneedka Fanaaniintu Dhigaan Maalmaha Ciida

0
Friday July 31, 2020 - 09:37:56 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1434
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland Oo Mamnuucday Bandhig Faneedka Fanaaniintu Dhigaan Maalmaha Ciida

    "Inkastoo Wasiirku sheegay inay talaabadan kaga hortagayaan faafitaanka Cudurka Covid-19,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Inkastoo Wasiirku sheegay inay talaabadan kaga hortagayaan faafitaanka Cudurka Covid-19,"

Hargaysa (HWN) Xukuumada Muuse Biixi ayaa mamnuucday bandhig faneedyada ay fanaaniintu qabtaan maalaha ciida.

 

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed  oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu sheegay in bilihii la soo dhaafay ay yaraadeen Bandhig Faneedyada, waxaana uu mamnuucay in Bandhig Faneedyo  lagu qabto Maalmaha Ciida degaannada Soomaaliland.

 

Waxaa uu sheegay in sababaha ay u joojiyeen Bandhig Faneedyada ay tahay inay ka hor imaanayaan dhaqanka Suuban ee Islaamka iyo sidii looga horteggi lahaa Cudurka Coronavirus oo kiisas kamid ah laga helay degaannada Soomaaliland maadaama dadyow farabadan ay isugu imaanayaan.

 

Ugu dambeyn Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed waxaa uu amray Ciidamada Booliska Soomaaliland inay ka hortagaan Bandhig Faneedyada lagu qabto Magaalada Hargeysa iyo degaannada kale ee Somaliland, isla markaana dadka wada ay tallaabo ka qaadan.

 

Inkastoo Wasiirku sheegay inay talaabadan kaga hortagayaan faafitaanka Cudurka Covid-19, hadana waxa Somaliland ka dhaco kulamo balaadhan oo ay dad badan oo madaxda dawladu kamid tahay ay ka qayb galaan, sida xaflada uu wasiir Khaliil laftiisu joogay oo uu xisbiga Kulmiye ugu dabaal degeyay sanad guuradii 10 ee xilka hayeen, taasi oo kulmisay shacab tiro Badan.


Loading...
Loading...