Maxaa Sababay In Donald Trump Uu Ku Baaqo Dib U Dhigista Doorashada 2020-Ka?
Donald Trump ayaa soo jeediyay in dib loo dhigo waqtiga ay dhaceyso doorashada hadda ku beegan bisha November, isagoo sheegay in codbixinta loo adeegsanayo dhinaca boostada ee sii kordheysa ay horseedi karto musuqmaasuq.
Wuxuu codsaday in doorashada aan la qabanin ilaa inta ay shacabka suurtagal uga noqoneyso "inay si nabad ah ku codeeyaan".
Caddeyn yar ayaa loo hayaa sheegashada madaxweynaha, laakiin wuxuu muddo dheerba u ol'oleynayay in codbixinta lagu sameeyo dhinaca boostada.
Gobollada Mareykanka ayaa doonaya in dadka ay codeynta uga qeyb qaataan iyagoo warqadaha codbixinta ku diraya boostada, si looga badbaado isu imaatinta dadweynaha, xilligan uu jiro cudurka safmarka ah.
Marka la eego dastuurka Mareykanka, madaxweyne Trump awooddiisa ma gaarsiisna inuu si shakhsi ahaan ah u baajiyo doorashada.
Muxuu yiri Trump?
Qoraallo xiriir ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayuu Mr Trump ku sheegay in "habka codbixinta boostada" uu doorashada bisha November ka dhigi karo "mid aan sax ahayn oo wax isdabamarin ku dheehan tahay, nooceedana uusan wali u dhicin taariikhda", sidoo kalena "ay ceeb weyn kasoo gaareyso Mareykanka".
Isagoo aan caddeymo bixinin, ayuu sheegay in codeynta boostada ay sababi karto in gacan shisheeye ay soo faragaliso hannaanka doorashada Mareykanka.
Trump dib ma u dhigi karaa doorashada?
Donald Trump awood uma laha
inuu dib u dhigo doorashada dhaceysa bisha November, isagoo aan taageero buuxda
ka heysanin Aqalka Wakiillada, oo ay aqlabiyad ku leeyihiin xisbiga isaga kasoo
horjeeda ee Dimuqraaddiga.
Marka ugu horreysaba waa in go'aanka dib u dhigista ay ansixiyaan Congress-ka. Haddii uusan madaxweynuhu taas horay usii ogeyn, waa hubaal inuu hadda qof u sheegay.
Dastuurka la ansixiyay sanadkii 1845-kii wuxuu dhigayaa in doorashada madaxweynaha Mareykanka ay ku beegan tahay Talaadada ku xigta Isniinta ugu horreysa bisha November, afar sano oo kasta kaddib - doorashada hadda xigtana way ku aaddan tahay 3-da November, 2020-ka.
Taas in wax laga baddalo waxay u baahan tahay inay ansixiyaan Aqalka Congress-ka ee ay aqlabiyadda ku leeyihiin xisbiga Dimuqraaddiga iyo waliba Aqalka Senate-ka ee ay maamulaan xisbiga Jamhuuriga.
Suurtagalnimada in tallaabo loo qaado dib u dhigista doorashada aad bay u adkaaneysaa.
Xitaa haddiiba ay dhacdo in maalinta doorashada la baddalo, dastuurka Mareykanku wuxuu dhigayaa in xilka madaxweynaha uu ku egyahay 4 sano oo kaliya. Si kale haddii loo dhigana, Donald Trump wuxuu xilkiisa madaxweyne ee xilligan koowaad ku egyahay duhurnimada maalinta ay taariikhdu ku beegan tahay 20-ka bisha January ee sanadka 2021-ka.
Afar sano oo kale ayuu heli karaa haddii dib loo soo doorto. Haddii laga guuleystana waxaa laga yaabaa inuu baddalo Joe Biden, oo ka socda xisbiga Dimuqraaddiga.
Qoraalka uu Trump soo dhigay Twitter-ka ee uu kusoo jeediyay dib u dhigista doorashada, wuxuu noqon karaa isku day uu ku doonayo inuu indhaha shacabka uga mashquuliyo natiijada qiimeynta dhaqaalaha ee dhawaan la shaacinayo.
Tan iyo markii uu xilka qabtayba wuxuu ku faani jiray in uu sare u qaaday dhaqaalaha Mareykanka, sidaas awgeedna uu mudan yahay in dib loo soo doorto. Hase yeeshee, cudurka Covid-19 ayaa hoos u dhac weyn u horseeday dhaqaalaha, taasoo mugdi galineysa fursadda uu Mr Trump u heysto in mar kale xilka loo igmado.
Si kastoo ay ahaataba, in xilligan uu musharrax Twitter-ka ku codsado dib u dhigista doorashada waxay muujineysaa kalsooni darrada uu ka qabo in mar labaad la doorto, waxayna caddeyn u tahay in ficillo kale oo kasii waaweyn ay soo socdaan.
Sidoo looga falceliyay?
Ellen Weintraub, oo ah haweeneyda guddoomiyaha ka ah Guddiga Doorashada ee Federaalka, ayaa sheegtay in Mr Trump uusan awood u lahayn tallaabo uu ku baddalo karo waqtiga doorashada.
Waxay intaas ku dartay: "Isagu u uma dhigi karo, mana aha in dib loo dhigo doorashada."
Waxay dalbatay in dhaqaale dheeraad ah lasiiyo gobollada, si ay tabar ugu yeeshaan inay codbixinta doorashada qabtaan. "Dhammaan dadka Mareykanka waxay doonayaan doorasho amni ah oo aan wax khatar ah lahayn," ayey tiri.
Siyaasiyiin ka tirsan xisbiga Dimuqraaddiga ayaa sidoo kale dhaliilay soo jeedinta madaxweynaha.
Senator-ka gobolka New Mexico, Tom Udall, ayaa sheegay in "aysan jirin wax sababi kara" inuu madaxweynaha dib u dhigo doorashada.
Xildhibaanka golaha Wakiillada u matalaya gobolka Illinois, Raja Krishnamoorthi, ayaa isagana sheegay in doorashada ay ku dhici doonto waqtigii loogu talagalay.
Sidoo kale, haweeneyda Congress-ka u matashada gobolka New Jersey, Mikie Sherrill, ayaa warbaahinta MSNBC u sheegtay in Aqalka Wakiillada uu asteeyay xilliga doorashada, "oo aan la baddali doonin".
Hase yeeshee, Chris Stewart, oo ah xildhibaan ka tirsan Congress-ka, kana soo jeeda xisbiga Jamhuuriga, ayaa sheegay in uusan taageersaneyn dib u dhigista doorashada, balse madaxweynuhu uu xaq dastuuri ah u leeyahay inuu soo jeediyo arrintaas.
BBC